Muxuu Ku Saabsanaa Wadahadal Khadka Telefanka Ku Dhexmaray Abiy Ahmed iyo Donald Trump? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxuu Ku Saabsanaa Wadahadal Khadka Telefanka Ku Dhexmaray Abiy Ahmed iyo Donald Trump?
March 15, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Ra”iisal wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed ayaa khadka telefanka wadda hadal kula yeeshay madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump, sida lagu sheegay warka soo baxay xafiiska Ra”iisal wasaaraha Itoobiya oo ay soo xigatay Shabakada Wajaalenews.

Labada hogaamiye ayaa lagu sheegay warka inay isla soo qaadeen tacsida ay la wadaagayaan dadka, qoysaska iyo wadamada ay ka soo jeedeen dhamaan dadkii ku dhintay shilkii diyaaradeed ee dhawaan ka dhacay wadanka Itoobiya.

Warka ayaa sidoo kale lagu sheegay in madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu amaanay duulimaadyada shirkada diyaaradaha ee Ethiopian Airline, isaga oo xusay in shirkadaasi ay tahay hay’add xoogan waxaanu cadeeyey in wadankiisu diyaar u yahay bixinta wixii taageero farsamo ah ee loo baahdo.

Sidoo kale Warka ayaa intaas ku daray in madaxweyne Donald Trump uu muujiyey taageerada uu u hayo isbadalada mudooyinkii ugu dambeeyey ka socda wadanka Itoobiya.

Labada hogaamiye ee Abiy Ahmed iyo Donald Trump, ayaa wada hadalka ay khadka telefanka ku yeesheen waxay iskula garteen xoojinta xidhiidhka dublamaasiyadeed ee ka dhaxeeya labada dal.

PM Dr Abiy holds phone call with President Donald Trump

COMMENTS
LINKS