Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarkii Lagu Qaaday Laba Masaajid Dalka New Zealand Iyo Tirada Dadka Somaalida Ah Ee Ku Dhintay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wararkii Ugu Dambeeyey Ee Weerarkii Lagu Qaaday Laba Masaajid Dalka New Zealand Iyo Tirada Dadka Somaalida Ah Ee Ku Dhintay.
March 15, 2019 - Written by Editor:

Wellington (W,N) – Rag hubeysan ayaa dilay ugu yaraan 49 qof, islamarkaana dhaawacay 20 kale kadib weerar argagixiso oo ayada oo lagu jiro Cibadaada salaaddii jimcaha lagu qaaday laba masjid oo ku yaalla dalka New Zealand.

Ninka fuliyey weerarkan oo ka dhacay magaalada Christchurch, ayaa si toos oo muuqaal ah ugu tabiyey Facebook, isaga oo cambaareynaya dadka muhaajiriinta ah, oo uu ugu yeedhay “duullaan.”

Dadkii masjidka ku tukunayey ayaad waxaad muuqaalo laga baahiyah ku arkaysaa  iyagoo  dhintay iyo dhaawac ah oo daadsan dhulka, sida ka muuqatay muuqaalka uu barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada uu baahiyey ninka weerarka fuliyey.

Sidoo kale Weerarkan lagu laayay ka dadka ku cibaadaysanay laba masajid oo ku yaala dalka New Zealand ayaa waxaa ku jira dadka ku geeriyooday  Dadka Soomaali ah oo tiradooda gaadhayso Afar Qof.

Booliska dalka New Zealand ayaa sheegay in 41 qof lagu dilay masjidka Al-Noor, halka toddobada kale ay ku dhinteen masjid ku yaalla xaafadda Linwood, ayada oo qof kalena uu c isbitalka ku geeriyooday taasi oo tirade dhimashada ka dhigaysa 50qof iyo dhaawac 20qof maraya ,

Ra’iisul wasaaraha New Zealand, Jacinda Ardern ayaa shaaciyay  in dalka la geliyey heegankii amni ee ugu sarreeyey, waxayna ficilkan ku qeexday mid Argagixiso.

Weerarkan ayaa la sheegtay in la xidhay afar qof oo xagjiriin ah, hase yeeshee aysan horey ugu jirin liiska booliska.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

 

COMMENTS
LINKS