Wasiir Taageero Dhaqaale ka Dalbaday Hay’adaha Jooga Somaliland Qaarkood! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiir Taageero Dhaqaale ka Dalbaday Hay’adaha Jooga Somaliland Qaarkood!
March 16, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Wasiirka wasaaradda Horumarinta Beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed ayaa warqad qoraal ah oo uu ku socodsiiyey qaar ka mid ah hay’adaha samafalka ee ku sugan Somaliland 13-kii bishani aynu ku jirno kaga dalbaday inay taageero maaliyadeed siiyaan wasaaradiisa.

Warqadani waxa uu wasiirku ku yidhi. “Wasaaradda Horumarinta Beeruhu waxay soo qaaday baahida loo qabo in la sameeyo qorshaha qaranka ee istiraatiijiyadda Beeraha, taasi oo noo saamaxaysa in aanu ogaano (qorshayno) talaabooyinka aan qaadi doono sannadaha soo socda si loo gaadho hadafka bartilmaameedka noo ah.

Sidoo kale waxa uu ka jawaabi doonaa su’aalaha la xidhiidha dhinaca qiimaynta. Qorshaha istiraatiijigu wuxuu wasaaradda ka caawin doonaa inay hamigeeda rumayso, isla markaana ay kor u qaado hawlgudashada iyo isla xisaabtanka Wasaaradda gudaheeda. Ujeedada guud ee laga leeyahay

qorshaha istiraatiijiga waa in laga dhigo Wasaaradda inay gudato amaba ka jawaabto cabashooyinka jira, iyada oo la samaynayo talaabooyin ficil ah, kuwaasi oo sharaxaya habka iyo waqtiga la qaban doono.

Sidaasi darteedna waxaanu ka codsanaynaa hay’adaha aanu wada shaqaynta leenahay inay naga caawiyaan taageero maaliyadeed oo gacan naga siisa in aanu diyaarino qorshaha istiraatiijiyadda qaranka ee beeraha, kaasi oo aanu si xoog ah rumaysanahay inay helistiisu muhiim u tahay isla markaana si la yaab leh wax uga bedeli doonto shaqadda wasaaradda Beeraha si ay si hagarla’aan ah oo tayo leh ugu shaqayso.”. Ayuu ku yidhi wasiirku qoraalka uu u direy hay’adaha samafalka ee wadanka ka shaqeeya.

Warqadani waxay daba socotaa isku shaandhayn, isku bedel iyo magacaabiso uu sameeyey wasiirku bishani aynu ku jirno gudaheeda. Kuwaasi oo ay ku jiraan qaar aan la soo marin hay’adda shaqaalaha dawladda uu ka mid yahay xisaabiye idman oo aanay shaqadiisu cayinayn, isla markaana loo xilsaaray la xisaabtanka hay’addaha caalamiga ah ee la shaqeeya wasaaradda.

Arrimahani waxay ka mid yihiin talaabooyin uu dhawaan qaaday wasiirka Beeraha Somaliland, balse waxa ay dadku isweydiinayaan xidhiidhka ka dhaxeeya magacaabista xisaabiyaha cusub ee Hay’adaha iyo warqada aanu xagga sare idiinku soo turjunay, iyo sababta loo magacaabay xisaabiye iyada oo wasaaraddu leedahay xafiis xisaabiye.

WAJAALENEWS DESK

HARGEISA OFFICE

SAXAFI MAXAMED AMIIN JIBRIIL.

 

COMMENTS
LINKS