Dooda Muranka Sharci Ee Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Diinta & Awqaafta Somaliland Ee Maamulka Malcaamadaha Quraanka. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dooda Muranka Sharci Ee Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Diinta & Awqaafta Somaliland Ee Maamulka Malcaamadaha Quraanka.
March 17, 2019 - Written by Editor:

Waxa uu muran sharci oo warbaahinta dhex heehaabayaa ka dhexeeyaa wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland iyo wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland,  murankaasi oo xuduntiisu tahay cida maamulaysa ama ay hoos tagayaan malcaamadaha iyo madarasadaha lagu barto quraanka kariimka ah.

Haddaba hadii aynu ku horayno dooda ama xeerka awooda kormeer siinaya wasaarada diinta iyo awqaafta somaliland maamulka iyo gacan ku haynta madarasadaha quraanka lagu barto waxa uu ahaa Xeer Lr 71/2015 , xeerkaasi oo shaqada wasaaradaha waxbarashada iyo Diinta iyo awqaafta labadoodaba ku kala xusaya qodobkiisa 38aad iyo 51aad.

Waxa isaguna jira xeerka  waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 , xeerkani waxa uu awood buuxda u siinayaa maamulka iyo gacan ku haynta malcaamadaha quraanka wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland.

Marka ay halkaa marayso doodeena sharci waxa aan ku noqonayaa bal xeerarka iyo waxa ay kala yihiin iyo goorta ay soo baxeen iyo wakhtigii ay dhaqan galeen.

Xeerka kala xadaynta hay’adaha iyo wasaaradaha dawlada Xeer lr 71/2015 waxa la sameeyay sida ka muuqata sanadkii 2015kii , waxa uu golaha wakiilada somaliland ansixiyey sida ku cad xeerka 21/01/2016 , waxa aanu dhaqan galay oo uu saxeexay madaxweynihii hore ee somaliland Ahmed Siilaanyo 08/02/2016.

Xeerka waxbarashada Somaliland Xeer lr 77/2018 waxa la sameeyay sida ku cad taariikhdiisa 2018kii , waxa ay golaha wakiilada somaliland ansixiyeen 05/08/2018 , waxaana uu Madaxweynaha somaliland Muuse Biixi saxeexay 25/08/2018 .

Marka ay sidaa tahay ee aan akhriyey labada Xeer iyo eegayna muranka sharci ee ka dhexeeya labada wasaaradood ee waxbarashada iyo sayniska iyo Wasarada diinta iyo awqaafta waxa yeelanaya oo ay hoos tagayaan malcaamaduhu wasaarada waxbarashada Somaliland sababahan awgood;

1- Sababta koowaad oo ah sharciga wasaarada waxbarashada awooda u siinaya maamulka malcaamadaha oo ah xeer gaar u ah waxbarashada dalka, isla markaana si cad u qeexaya oo awood u siinaya maamulka iyo gacan ku haynta dugsiyada quraanka lagu barto,  halka xeerka wasaarada diinta iyo awqaafta kormeerka siinayaa uu ka yahay xeer guud .

2- sababta labaadna waxa ay tahay hadii laba xeer oo isku wax sheegayaa iska soo daba baxaan waxa la qaadanayaa ka dambe oo nasakhaya kii hore.

Sidaasi ayaan ku doodayaa in wasaarada waxbarashada iyo sayniska ee somaliland ay shaqada malcaamadaha leedahay.

Waxa aan raacinayaa talo ; waxa wanaagsan in archive ka golaha wakiilada somaliland iyo Archive ka xukuumada somaliland ee xeerarku ay hubiyaan xeerarka la sameynayaa in ay hore u jireen in ay keeni karaan murano sharci iyo iska horimaad hay’adaha iyo wasaaradaha qaranka ah, waxii loo badheedhayo ee la isla gartana marka hore la sii sheego si aan muran uga iman.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

Dooda iyo aragtida ardey wax ka barta kuliyada sharciga ee Jamacada Hargeisa

COMMENTS
LINKS