“fanaaniinta Caanka Ah Ee Geelle Iyo Farmaajo. Heesaha La Qaadayey iyo Duruufta Magaalada Lagu Dhex Heesayaa Aad Bay u Kala Duwan Yihiin”Abwaan Weedhsame. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“fanaaniinta Caanka Ah Ee Geelle Iyo Farmaajo. Heesaha La Qaadayey iyo Duruufta Magaalada Lagu Dhex Heesayaa Aad Bay u Kala Duwan Yihiin”Abwaan Weedhsame.
March 17, 2019 - Written by Editor:

Caawa(Xalay) waxan daawaday Bandhig faneed ay si wada jir ah ay u qabteen fanaaniinta caanka ah ee Geelle iyo Farmaajo. Heesaha la qaadayey iyo duruufta magaalada lagu dhex heesayaa aad bay u kala duwan yihiin. Hal hees ah oo Qaraxyada iyo dhibtay ku hayaan dadka reer Muqdisho ka hadlaya maan maqlayn, haddii aanay iga horrayn.

Ilaahay dadka reer Soomaaliya, gaar ahaana dadka reer Muqdisho dhibka iyo kadeedka ha ka dul qaado. Reer muqdisho heeso uma baahna balse Hiil walaalnimo oo daacad laga yahay oo aan ujeedo kale iyo ajande kale lagu badhxin bay u baahan yihiin.

Halna waa iga su’aale, Haddii kelidii-taliye loo heesayo oo weliba sidaa caawa oo kale loo subcinayo, maxa Siyaad Barre loola dagaalamayey?

Kelidii-taliye waa kelidii-taliye uun, ama adiga ha ku haysto ama ummad kale oo walaalahaa ah ha haysto.

HA DHACO DAAQUUD KASTA OO DADKIISA BAH DILAABA.

Abwaan Xasan Daahir Weedhsame.

COMMENTS
LINKS