Maxay Daaran Tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteria Ee Somaliland! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Maxay Daaran Tahay Booqashada Wasiirka Arrimaha Dibadda Eriteria Ee Somaliland!
March 19, 2019 - Written by Editor:

Ka dib markii Madaxeyne Geelaha Djibouti booqasho ku tegay Muqdisho dhawaan, si uu isaga jabiyo go’doonkii la geliyay ee geeska Afrika, waxay taa kaga jawaabeen dhinacii kale oo UAE hoggaaminayso in ay soo diraan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria, oo uu yimaaddo Somaliland; waxa tan looga jeedaa in lagu edbiyo Farmajaha Muqdisho, maadaama uu ka hinaasi doono booqashada ugubk ah ee waftiga Eriteria.

Marka uu Farmaajaha Muqdisho goor dhaw ku furtuuro madaxda Geeska iyo UAE, waxa loo sheegi doonaa in aanu odayga Djibouti xabsiga ka jabin; ma xasuusataa intaanu Geelle u duulin Muqdisho, Farmajo ayaa Djibouti tegay; taas macnaheedu waxa weeye jooji dhaq-dhaqaaqa, haddii kale Somaliland ayaanu kugu dhaq-dhaqaajin; haddii aan kuu soo koobo, waa siyaasaddii Kenya isticmaashay markii khilaafka baddu soo baxay; ma xasuusataa!!!!

Haddaba, booqashadan wasiirka arrimaha dibadda Eriteria ka dib, waxaynu eegi in UAE iyo Eriteria ay ku guulaystaan in uu Farmaajo edebsado, oo uu joojiyo handaraabka uu ka furayo Madaxweyne Geele iyo dekadiisa!!!!

Si kastaba ha ahaatee, Somaliland waxa loo isticmaali doonaa warqad ay Ethiopia, Eriteia iyo UAE ay ku xakameeyaan, kuna jareeyaan dhaq-dhaqaaqyada siyaasadeed ee Farmajo, haddii uu isku dayo in uu baxo siyaasaddii uu hore ula qaatey ee lagu go’doominayay Djibouti.

Haddaba, waxan odhan lahaa Somaliland ha u diyaar garawdo in ay si qoto dheer u fahanto ciyaarta meesha ka socota, xukuumadduna ha la timaaddo qorshe dhaafsiisan sawirada quruxda badan, oo lagaga faa’iidaysan karo fursadaha ka dhashay isbeddelka ka socda Geeska Afrika ee Alle keen ka ah.

QALINKII; Prof Cabdi Cali Jaamac; Maamul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS