Erdogan oo Hanjabaad Culus U Jeediyay Dadka Muslimiinta Neceb | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Erdogan oo Hanjabaad Culus U Jeediyay Dadka Muslimiinta Neceb
March 20, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)- Ra’iisal wasaaraha Australia Scott Morrison ayaa si rasmi ah cabasho ugu gudbiyay Turkiga, ka dib markii uu madaxweyne Erdogan sheegay in dadka aragtida Muslim nacaybka ah qaba ee “Turkiga imanaya la celin doono iyaga oo naxash ku jira” sidii ku dhacday awawyadoodii yimid Gallipoli, arrintaas oo uu ula jeedo dagaalkii koobaad ee adduunka oo ay ku dhinteen kumannaan ruux ay ka mid ahaayeen dad u dhashay Australia and New Zealand.

Australia ayaa u yeedhay safiirka Turkiga waxayna sheegtay in ay dib u eegayso talooyinka socdaalka ee ay siiso muwaadiniintooda u socdaalaya Turkiga.

Madaxweyne Erdogan ayaa ka hadlayay isu soo bax lagu xusayay ol’olihii Gallipoli ee 1915kii xilligaas oo ciidammada cismaaniyiintu ay ka guuleysteen askartii ingriisku hogaamnayay oo ay qayb ka ahaayen kuwa ka socda Australia iyo New Zealand.

“Awawyadiin ayaa halkan yimid waxayna noqdeen iyaga oo naxash ku jira” ayuu yidhi madaxweyne Erdogan, isaga oo u digaya dadka Muslimka necebna wuxuu sheegay in “waddadaas ay mari doonaan oo naxash sugayo”.

Iyadoo uu tobban maalmood ka dibna wajahayo doorashada deeganka oo aad loogu loolamayo ayuu isku deyaya Erdogan in uu taagero ku helo aragtidiisa adag ee ku aadan diinta.

Newzealand ayaa camabareyn u jeedisay Madaxweyne Erdogan ka dib markii isu soo baxyadda siyaasadeed ku soo bandhigay muqaalkii weerarkii “argigixisadda” ahaa ee Christ church.

COMMENTS
LINKS