Warar Dheeraada Oo Laga Helayo Xaalada Magaalada Muqdisho Iyo Shaqaalaha Beesha Caalamka & Ajaanib Kale Oo Ka Baxay! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Warar Dheeraada Oo Laga Helayo Xaalada Magaalada Muqdisho Iyo Shaqaalaha Beesha Caalamka & Ajaanib Kale Oo Ka Baxay!
March 20, 2019 - Written by Editor:

Muqdisho (W.N) – Xaalada Amaan Ee Goobaha ay gacanta ku hayaan maamulka madaxwayne farmaajo Ayaa kasii daraysa kadib markii ay 24 Sacadood ee  lasoo dhaafay ay iskaga baxeen magaalada Muqdisho  qaar ka mid ah shaqaalaha Qaramada Midoobay, Midowga yurub, Midowga Africa iyo inta badan shaqaalaha kale ee ajaanibka ah kuna sugnaa magaalada Muqdisho kadib xaalad cabsi ah oo ka jirta Gobalka Banaadir.

Wararka laga helay magaalada muqdisho ayaa tibaaxay in Sirdoonka ajaaniibta ah ee ku sugan Xalane ay sheegay in magaalada Muqdisho ay soo galeen Al-Shabaab badan, sidoo kalane ay ku soo dhawaadeen Al-Shabaab kale oo hubeysan kuwaas oo duqayn ku garaaci kara xafiisyada Qaramada Midoobay ee Xalane.

Iyadoo mudooyinkii ugu danbeeyy Bilihii Ururka Al-Shabaab ay sare u qaadeen weerarada iyo qaraxyada Muqdisho, waxaana sirdoonka reer galbeedka la sheegay inay rumeysan yihiin in magaalada ay kusoo xoogeysanayaan.

Magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa marti gelisay boqolaal Shaqaalo ajaaniib ah kuwaas oo ka shaqaynayay Xafiiska UN-ka ee Xalane waxaana la filayaa in kuwa kale ay ka baxaan magaalada Muqdisho saacadaha soo socda.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in degaano ku dhow dhow magaalada Muqdisho ay soo galeen kadib markii ay baneeyeen ciidamada difaaca Soomaaliya oo ka cabanaya Mushaar la’aan iyo garaam la’aan.

Maamulka madaxwayne farmaajo ayaa lagu eedeeyay in Indhaha iyo Dhagaha ka fuaysteen cabashada ciidamada difaaca ayna khatar gelineyso amaanka Shacabka Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Shacabka ku nool magaalada muqdisho oo markii horeba la ildarnaa cabsida iyo qaraxyada joogtada unoqday ee ururka alshabaab ku hayeen ayaa xiligan umuuqdo kuwo ay soo food saartay mid kasii daran tii hore oo keeni karta qax hor leh.

WAJAALENEWS DESK

MUQDISHO OFFICE.

COMMENTS
LINKS