Soomaalida Sweden oo Dalbanaysa In La Siidaayo Mid Kamida Aasaasayaashii Iskuulada Gaarka Loo Leeyehay Ee Al-Azhar | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Soomaalida Sweden oo Dalbanaysa In La Siidaayo Mid Kamida Aasaasayaashii Iskuulada Gaarka Loo Leeyehay Ee Al-Azhar
March 21, 2019 - Written by Reporter:

Stokholm (WJN)- Magaalada Stokholm ee dalka Sweden waxaa ka socda kulamo jaalliyada Soomaalida ee Sweden ay ku dalbanayaan in xoriyadiisii dib loogu soo celiyo mid kamid ah aasaasayaashii iskuulada gaarka loo leeyehay ee Al-Azhar.

Ninkan oo lagu magaaco Bashiir Amaan ayaa bishii afraad u xidhan tuhun ah in uu lacago si qaldan uu u maamulay intii uu ka tirsnaa maamulka iskuulada Al-Azhar.

Dadweynahan ayaa codsanaya in xoriyadiisii dib loo siiyo Bashiir ama maxkamadda la horgeeyo si loo dhageysto eedaymaha loo haysto.

Waa kuma Bashiir Amaan

”Bashiir wuxuu dhashay 1967,mudo 30 sanno gaadhaysa ayuu daganaa Sweden,waa aabaha 11 ciyaal ah,Bashiir waa aasaasihii u horeeyey ee hirgaliyay iskuulada gaarka loo leeyehay ee Al-Azhar iskuuladan waxaa ku tiirsan kumaan carruur Soomaali ah oo dhigata ,mudooyinkii dane wuxuu ku dhex jiray dhismaha Bangi uu masuul ka ahaa” sidaas waxaa sheegay Cabdiqaadir Keynaan.

Wali waxaa la sugayaa in kiis-dacwadeedka Bashiir loo gudbiyo maxkada si loo qaado dacwada la xadhiidha tuhunka loo haysto kaas oo lala xadhiidhinayo lacago si qaldan loo isticmaalay,

Waxaa jira Kullamo ay isugu yimaadeen qaar ka tirsan jaaliyada Stokholm.

Keynaan isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegay ”waxaan sameynay guddi dhowr qof ka koobaan oo aan ugu talagalnay in ay si dhow ula socdaan arinka Bashiir si aan ula wadaagno bulshada inteeda kale xaalada Bashiir”

Talaabadan ayaa ah tii u horeysay ee noocan oo kale ah oo xadhig loo geysto masuul Soomaali ah dalka Sweden, dalkan wuxuu ku jirtaa dalalka marti galiyay qoxoontiga ugu faraha badan Soomaalida dalalka Yurub.

COMMENTS
LINKS