Paul Pogba: ciyaartoy walba wuxuu ku riyoodaa Real Madrid | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Paul Pogba: ciyaartoy walba wuxuu ku riyoodaa Real Madrid
March 21, 2019 - Written by Reporter:

Paul Pogba ayaa kooxda Real Madrid ku tilmaamay in ay tahay koox uu ciyaartoy walba ku riyoodo, balse uu hadda ku qanacsan yahay joogitaanka kooxdiisa Manchester United.

Ciyaartoygan khadka dhexe ka ciyaara oo 26 jir ah ayaa ammaanay Ole Gunnar Solskjaer oo ah tababaraha ku meelgaadhka ah ee Manchester United. Wuxuuse sheegay in Real Madrid ay tahay koox uu caruur walba ku hamiyo ciyaartoy walbana ku riyoodo.

Waa mid ka mid ah kooxaha ugu waawayn adduunka “waligayna waxaan yidhaahdaa Real Madrid waa koox lagu hamiyo” ayuu yidhi Pogba oo ka hadlaya shir jaraa’id oo ka dhacay dalka Faransiiska.

“Haddase waan ku faraxsanahay Manchester United macallin cusub ayaana na layliya” ayuu intaas ku dii daray Paul.

Pogba ayaa Jimcaha iyo Isniinta ka soo muuqan doona ciyaaro uu dalka Faransiisku la leeyahay Moldova iyo Iceland, ciyaarahaas oo loogu soo baxayo koobka Qarammada Yurub ee 2020ka.

COMMENTS
LINKS