Dad Badan oo Ku Dhintay Masiibo Ka Dhacday Ciraaq | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad Badan oo Ku Dhintay Masiibo Ka Dhacday Ciraaq
March 21, 2019 - Written by Reporter:

Mosul (WJN)- In ka badan 70 qof ayaa lagu soo warramay inay ku dhinteen doon maanta ku rogmatay wabiga Tigris ee mara magaalada Muusil ee dalka Ciraaq.

100 qof oo la socday doonta dadka looga gudbiyo wabiga ayaa ahaa dad aan dabaal aqoonin, sida uu sheegay madaxa waaxda difaaca dadweynaha ee magaalada Muusil.

Doonta ayaa lagu soo warramay iney ku wajahneyd jasiirad loo dalxiis tago, iyadoo lagu guda jiro dabaal dagga sannadka cusub ee Kurdiyiinta.

100 Ruux ayaa la sheegay inay la socdeen doonta

Kooxaha gurmadka deg degga ah ayaa wali raadinaya dadka laga yaabo inay wali nool yihiin.

Ra’iisal wasaaraha dalka Ciraaq Caadil Cabdul Mahdi ayaa amar ku bixiyay in la sameeyo baadhitaan lagu ogaanayo cidda mas’uulka ka ah sababta keentay musiibadan.

Qiyaastii 12 ruux ayaa la badbaadiyay ilaa hadda, sida ay mas’uuliyiinta sheegeen.

Sawirro lagu shaaciyay baraha bulshada ayaa muujinayay doonta rogmatay iyo dad dul heehaabayay biyaha korkooda.

Gawaadhida gurmadka deg degga iyo diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa gaadhay goobta, si ay dadka u badbaadiyaan.

Dowladda ayaa dadka gaadiidleyda ah ka codsatay inay baabuurtooda istaajiyaan, si ay waddooyinka fursad ugu siiyaan gawaadhida gurmadka ee ambalaasta.

Diyaaradaha qumaatiga u kaca ayaa qeyb ka ah gurmadka

Maamulka ayaa maalmihii lasoo dhaafay dadka uga digayay heerarka sare ee biyaha wabiga, iyadoo ay soo fataheen biyo xidheenno ku yaalla magaalada Muusil.

Muusil oo ah magaalada labaad ee ugu weyn dalka Ciraaq ayaa sannadkii 2014-kii waxaa la wareegay dagaallameyaasha kooxda isku magacowday dowladda Islaamka ee Daacish.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa Mareykanka ayaa dib uga qabsaday sannadkii 2017-kii, ka dib markii uu socday dagaal qaatay 9 bilood oo magaaladaas lagula wareegayay.

 

COMMENTS
LINKS