Dadka Ku Nool Agagaarka Goobtii Ay Ku Burburtay Diyaaraddii Itoobiya oo Baroordiiq U Sameeyay 157 Qof Ee Shilka Ku Dhintay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dadka Ku Nool Agagaarka Goobtii Ay Ku Burburtay Diyaaraddii Itoobiya oo Baroordiiq U Sameeyay 157 Qof Ee Shilka Ku Dhintay
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Addis Ababa (WJN)- Dadka ku nool agagaarka goobtii ay ku burburtay diyaaraddii Itoobiya ee duulimaad lambarkeedu ahaa ET302 ayaa baroordiiq u sameeyay 157 ruux ee halkaas ku dhintay.

Waxay ahaayeen dadkii u horreeyay ee gaadhay goobta ay diyaaraddu ku dhacday 10kii bishii March, waxayna arkeen diyaaraddii oo afka ciidda dartay.

Balse waxaa jira arrin aan cidina ku baraarugin oo ah magaca goobta ay diyaaraddu ku burburtay.

Goobta uu shilku ka dhacay ayaa afka Oromada lagu yidhaa “Tulluu Farraa” oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran”.

“Deegaankan waxaan Tulluu Farraa ama Ayaan daran ugu bixinay cimilo xumida” ayuu yidhi Baatirrii Lemma oo ka mid ah odayo dhaqameedka deegaankaas.

Baatirrii ayaa sheegay in jooga aadka u sarreeya ee goobtaas uu adkaynayo in la ogaado dhanka ay dabayshu ka imaanayso.

“Waa meel aad u qabaw oon lagu noolaan karin sidaas daraadeed dadku waxay ugu yeedhaan Tulluu Farraa oo macnaheedu yahay “Ayaan Daran”.

 

COMMENTS
LINKS