Gabadh Kale oo Soomaali Ah oo Xil Sare Ka Qabatay Mareykanka | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Gabadh Kale oo Soomaali Ah oo Xil Sare Ka Qabatay Mareykanka
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Minnasota (WJN)- Canab Guuleed oo ka mid ah Soomaalida daggan gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa loo magacaabay xil sare oo qeyb ka ah maamulka gobolka.

Gabadhan ayaa loo magacaabay jagada kaaliyaha wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnasota, inkastoo markii hore ay u xusul duubeysay in wasiir ku xigeen laga dhigo.

Wareysi gaar ah oo lala yeeshay ayey Canab sharraxaad uga bixisay sida loogu magacaabay xilkan iyo waxa ay ku muteysatay.

Canab Guuleed

“Anigu waxaan gabadh Soomaaliyad ah oo gobolkan dagganeyd muddo ku dhow 20 sano, intaas aan joogayna waxaan wax ka bartay oo aan lasoo shaqeeyay meelo badan oo ay ka mid yihiin wasaaradaha arrimaha bulshada, iminkana waxaan fursad u helay muddadii ugu dambeysay inaan la shaqeeyo jaamacadda Minnesota, gaar ahaan qeybta ku saabsan dadka naafada ah, waxaana diiradda saaray inaan ka shaqeeyo mashruuc la xidhiidha xanuunka Autism-ka oo aad u sameeyay Soomaalida. Marka sidaas awgeed waxaan leeyahay khibrad ballaadhan oo ku habboon xilkan”.

Wasaaradda arrimaha bulshada ee Gobolka Minnesota ayey Canab sheegtay in ay leedahay awood iyo dhaqaale fara badan.

“Waa wasaarad aad u weyn oo shaqo badan qabata, waxayna saameysaa bulshada qeybaheeda kala duwan sida qoysaska, carruurta, waayeelka iyo dadka naafada ah, marka waa wasaarad ballaadhan oo runtii dad gaadhaya 1 malyan oo reer Minnesota ah ay ka helaan caawinaad”.

Canab ayaa ku biireysa shakhsiyaadka Soomaalida ah ee xilalka sar sare ka qabtay dalka Mareykanka, gaar ahaan gobolka ay Soomaalidu aad u dagan yihiin ee Minnesota.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=jyED9i9m9wQ?version=3&rel=1&fs=1&autohide=2&showsearch=0&showinfo=1&iv_load_policy=1&wmode=transparent]

COMMENTS
LINKS