Ururka Iskaashiga Islaamka oo Ka Shirey Xasuuqii Masaajidda New Zealand | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ururka Iskaashiga Islaamka oo Ka Shirey Xasuuqii Masaajidda New Zealand
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Istanbul (WJN)- Waddamada ku bahoobay ururka Iskaashiga Islamka (OIC) ayaa shir deg deg ah ku yeeshay maanta magaalada Istanbul, ee dalka Turkiga, kaas oo ay kaga arrinsadeen xasuuqii dad ku cibaadeysanayay masaajiddo ku yaalla New Zealand loogu geystay Jimcihii hore.

Wasiirka arrimaha dibadda New Zeland, Winston Peters, ayaa u xaqiijiyay madaxdii kulankaasi in Muslimiinta ku nool New Zealand ay amaankooda iyo bad-qabkooda adkeynayaan.

War kasoo baxay xafiiska Wasiirka Arrimaha dibedda Dalka Turkiga, Mevlüt Çavuşoğlu, ayaa lagu sheegay in shirku ay ku casuuman yihiin, Qaramada Midoobay, Midowga Yurub, Ururka iskaashiga ammaanka ee Yurub OSCE iyo hay’addo Caalami ah.

15-kii Bishan ayay ahayd markii 50 Qof oo Muslimiin ah lagu laayay Masaajidda Al-Nuur iyo Linwood oo ku yaalla magaalada Christchurch, ee dalka New Zealand, markii uu Rasaas huwiyay nin ka tirsan Kooxaha neceb Islaamka iyo soo galootiga.

COMMENTS
LINKS