Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Dhaliilay Tayada Shirkada Dhismaha Ee Al-Najax | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Hawlaha Guud Ee Somaliland oo Dhaliilay Tayada Shirkada Dhismaha Ee Al-Najax
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN) – Wasiirka hawlaha guud dhulka iyo guryeynta Somaliland Cabdirashiid Xaaji Ducaale “Qambi“, ayaa si adag u dhaliilay shirkadaha dhismaha ee dalka ka hawl gala.

Wasiir Qambi oo ka hadlayey munaasibad ay qabsadeen arday ka baxday kuliyada Injineerinka ee jaamacada Hargeysa ayaa sheegay inaanay tayo lahayn dhismayaasha ay hirgeliyaan shirkadaha dalka ka shaqeeyaa.

“Shirkadaha dhismaha ee dalka oo gaadhaya 1500 oo shirkadood ama 200 gaadhaya waxaa ka shaqeeyaa sodoneeyo, kuwaas oo laftirkoodu aanay lahayn qorshe rasmi ah, waxaana halkaas fadhiya shirkada Dhismaha ee Al Najax oo ay Wastaado dhex yuururaan in wax badan la qabtana ay u baahan yihiin.”

“Waxaad arkaysaan aqalo la dhisayo oo ay dhici karto in dadku ay caafimaadkooda ku waayi karaan kuwaas oo aan lahayn meel laga neefsado kuwaas oo aan shuqul ku lahayn qaabkii caafimaadka”Ayuu sii raaciyay Wasiir qambi.

Sidoo kale wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland, ayaa sheegay inaanay shirkadaha dhismaha ee dalku wada shaqayn.

“Waxa kale oo jira shirkado dhisme oo dalka jooga kuwaas oo 20% ay shaqeeyaan inta kalana ay magacyo yihiin, Marka wax la dhisayo ee shirkad dhisme ay jirto ee ay wayn tahay dalkana inay wax ka qabato la doonayo waxa la doonayaa inay wadato dhamaan farsamayaqaanada kala duwan ee ay u baahan tahay sida farsamayaqaanka naqshada, ka dhismaha, ka dabka iyo kuwo kaleba”.ayuu yidhi Wasiir Qambi

Wasiir Qambi ayaa sidoo kale dhaliilay mulkiilayaasha shirkadaha dhismaha oo uu tilmaamay inaanay aqoon lahayn waxaanu yidhi

“Inta badan shirkadaha dhismaha waxa leh nin iskadaa inuu farsamoyaqaan noqdee aan iskuulba galin, nin wastaad ka soo dalacay oo bartay shaqada tooska loo qabto.”

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

https://youtu.be/UhX0yqlXKYY

 

WARIYE: XAMSE JIRDE

WAJAALENEWS DESK

HARGEYSA OFFICE

WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS