Sariiflayaal Loo Xidhxidhay Musuq-maasuq Lala Xidhiidhiyay Masuuliyiinta Banka Berbera iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sariiflayaal Loo Xidhxidhay Musuq-maasuq Lala Xidhiidhiyay Masuuliyiinta Banka Berbera iyo Fadeexadaha Dul Hoganaya
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Berbera (WJN)- Xeeladaha Musuq-maasuq ee Banka dhexe ee dawlada, gaar ahaan laanta Magaalada Berbera, ayaa hadda soo ifbaxay, kaddib markii musuq-maasuq Lacageed oo u sameeyey maamulka iyo hawlwadeenadiisu loo xidh-xidhay ganacsato Sariiflayaal ah.

Xogaha la xidhiidha dhacdadan, ayaa daaha ka Fayday inay mudo bil ah, Afar Sariifle ay u xidhan yihiin falal wax isbada-marineed, oo ay sababtiisa lahaayeen maamulka Banka Berbera iyo madax-waaxeedyadiisu, taasoo ahayd in Masuuliyiinta Banku ku leexsadeen Hanti Lacageed, Akoonnada gaarka ah ee Sariiflayaasha uga furnaa Banka dawladda, kaddibna si toosa uga qaadan-jireen Lacag cadan ah, isla markaana u keena Sariiflayaasha Waraaqa cadeynaya in xisaabta Lacagtaa lagu wareejiyey Acounka xisaabta Sariiflaha.

afarta Sariifle ee mudada bisha ah ku xidhan xarunta dambi baadhista Hargeysa, ee C. I. D-da ayaa Kala ah.

1: Sariiflaha Sky 1 Money (Exchange)

2: Sariiflaha Bindhe Money (Exchange)

3: Sariiflaha Faraska Money (Exchange).

Afarta masuul ee sariiflayaasha, ayaa lagu kala magacaabaa

Mohamed bare habane

Shucayb aw Xasan Maxamuud

Khadar Maxamuud Saleeban

Faysal Cabdi Caare.

Si kastaba ha ahaatee, dhacdadan ayaan ilaa iyo hada wax talaabo ah laga qaadin cidi masuuliyada musuqan lahayd, maadaama oo aan ila imika Wararku sheegayaan inaan talaabo laga qaadin.

Arrinka loo xidhxidhay sariiflayaasha ayaa noqonaysa mid Meesha ka saaraysa aaminaadii Banka Dawladda, maadaama cidi musuqu dul-hogganaayey talaabo laga qaadin, balse lagu meeraysanaayey ganacsato hanti laga sariiftay.

COMMENTS
LINKS