Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolka Awdal oo Si Adag Uga Hadley Xadhiga Agaasimihii Maamulka Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Gobolka Awdal oo Si Adag Uga Hadley Xadhiga Agaasimihii Maamulka Lacagta Ee Wasaarada Warfaafinta
March 22, 2019 - Written by Reporter:

Borama (WJN) – Madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo Salaadiinta gobolka Awdal ee beesha reer Nuur oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Boorama, ayaa si adag u cambaareeyay xadhig ay Xukuumadu kula kacday Agaasimihii maamulka lacagta ee Wasaarada Warfaafinta Somaliland oo lagu soo eedeeyay fal musuq maasuq.

Sidoo kale Madax-dhaqameedka iyo Waxgaradka Beesha reer Nuur, ayaa waxa kale oo ay cabasho xoogan ka muujiyeen xilal ay sheegeen in maalmihii u danbeeyay beeshooda laga qaaday.

 

Halkan hoose ka daawo muuqaalka

COMMENTS
LINKS