WAJAALE NEWS

Arsenal, Manchester United Iyo Chelsea, Midkee Kulamada u hadhay ka caawinayaan inay ku guuleysato dagaalka kaalinta afraad?

LONDON, ENGLAND - OCTOBER 20: The two teams clash during the Premier League match between Chelsea FC and Manchester United at Stamford Bridge on October 20, 2018 in London, United Kingdom. (Photo by Catherine Ivill/Getty Images)

24 dhibcood ayay Chelsea heli doontaa haddii ay wada badiso dhamaan kulamadeeda uga hadhayhoryaalka Premier League, laakiin waxay hadda fadhidaa kaalinta lixaad, waxaanay u baahan tahay shaqo badan si ay meesha uga saarto Manchester United iyo Arsenal oo booska afraad ku hirdamaya.

Saddex dhibcood oo kaliya ayay Chelsea ka hoosaysaa Arsenal oo afraad fadhida, waxaanay iska lumisay fursad ay kula sinnaan lahayd farqiga dhibcaha, laakiin siddeeda ciyaarood ee u hadhay, koox walba oo horyaalka joogtaa waxay lumin kartaa dhibco, wayna sii kala jiraan oo qaarkood baa wadnaha farta ku haya marka la eego jadwalka ciyaaraha kusoo aaddan.

Tottenham Hotspur oo ku jirta kaalinta saddexaad xattaa ma haysato damaanad, waxaanay taasi ka dhigan tahay in labada kaalmood ee saddexaad iyo afraad ay ku hirdamayaan afarta kooxood ee Man United, Chelsea, Arsenal iyo Tottenham.

Arsenal oo garaacday Manchester United si ay booska afraad u gasho, ayaa waxa iyaduna ay dagaal ugu jirtaa inay sare usii socoto, balse waxay Chelsea wadaagaan fursad kale oo ah inay ka ciyaarayaan Europa League oo ah tartan ay suurtogal tahay inay ku guuleystaan maadaama ay yihiin kooxaha ugu awoodda badan.

Haddaba, miyaa la odhan karaa Chelsea, Arsenal iyo Manchester United way  ku kala fursad wanaagsan yihiin booska afraad iyadoo laga eegayo kulamada u hadhay mid walba?

Kulamada u hadhay Arsenal: Newcastle, Everton, Watford, Crystal Palace, Wolves, Leicester, Brighton, Burnley

Kulamada u hadhay Manchester United: Watford, Wolves, West Ham, Everton, Man City, Chelsea, Huddersfield, Cardiff

Kulamada u hadhay Chelsea: Cardiff City, Brighton, West Ham, Liverpool, Burnley, Manchester United, Watford, Leicester City

Exit mobile version