Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Si Farshaxnimo Leh U Weeraray Madaxweyne Biixi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo Si Farshaxnimo Leh U Weeraray Madaxweyne Biixi
March 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa(WJN) – Siyaasi Jamaal Cali Xuseen oo ka mid Xisbi xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa waxa uu si farshaxanimo ah u weeraray Maaxweyne Muuse Biixi, isagoo soo bandhigay sheeko duurxul ah oo laga dheehan karayo inay si toos ah ugu socoto Madaxweyne Muuse Biixi iyo Hanaankiisa Hogaamineed.

Sheekaddan duurxulka ah ee Jamaal Cali Xuseen ayaa laga dhan-dhansanayaa Siyaasadii Qori iskugu dhiibka ahayd ee uu Siilaanyo uga dhaxlay hogaaminta dalka, isagoona Madaxweyne Muuse Biixi ku dhaliilayay qaabka uu ku hogaaminayo dalka.

Shabakada Wajaalenews oo soo xigatay qoraalka Sheekadan duur-xulka ah ee uu Jamaal Cali Xuseen ku baahiyay bogiisa Facebookga ayaa u dhignayd sidan:

“Beri baa waxaa jiray nin Darawal ahaa oo Baabuur weyn Oo uu in badan xoogsanaayey oo uu lahaa, ayaa wadadii uu mari jiray meel fig ama dalacad ahayd, kolka uu figtaa marayo ayuu ninkaa Darawalka ahi ooyi jiray.

Berigii danbe ayaa kirishbooygii ka bartay gaadhiga sida loo kaxeeyo, hadda waa Kirishboygii sanadaha la socday oo uu isagii gaadhigii la wareegay Oo darawal isna ka noqday. Kolkuu baabuurkii kaxeeyey kirishbooygii ayaa figtii darawlkii baray ee uu ku ooyi jiray ayuu isna kolka uu marayo ayeey bahal oohin ah oo tii darawalkii hore ka badani ka timid isna Kirishbooygii imika Darawalnimadda la wareegay.

Dadkii baa Ilaahay yaab u keenay. Kuwii shidhka saarnaa ee la socday ayaa weydiiyey iyagoo ku leh ” waar maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu yidhi: ” Ninkii bahalka i baray( Darawlkii hore) ayaa halkaa kolkuu marayo ooyi jiray.” Dadkii mid ka mid ahaa oo ragga yaqaaanay ayaa yidhi; ” Waar hebeloow Darawalkii hore da’ baa heshay Oo wuu itaal gabaye, adigu sowdigii noo faani jiray maxaa kugu dhacay.” Kolkaasuu intuu yara qoslay yidhi; ” Oo Ma run baad Iga moodeen, sidii uun baan kolkaan dalacadaasi marayo oohini i qabanaysaa, amar Ilaahay!!”.

 

Weriye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS