Shirkadaha Isgaadhsiintu Miyay Jebiyeen Heshiiskii Lacag Dirista? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Shirkadaha Isgaadhsiintu Miyay Jebiyeen Heshiiskii Lacag Dirista?
March 25, 2019 - Written by Reporter:

Hargeysa (WJN)– Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in Shirkadaha Isgaadhsiintu ay jebiyeen heshiiskii ahaa inaan boqol dollar wixii ka yar lagu diri karin Telefoonnada Gacanta (Mobile Money).

Xukuumaddii Hore ee Madaxweyne Siilaanyo ayaa Shirkadaha Isgaadhsiinta la gashay heshiis ahaa inaan Adeegyadooda ZAAD iyo E-dahab lagu diri karin wixii ka yar boqol dollar isla-markaana wixii intaa ka yar lagu adeegsado shilinka Somaliland, balse Wasiirka Wasaaradda Boosaha iyo Isgaadhsiinta Eng. Cabdiweli Sheekh Cabdillaahi Suufi ayaa Shirkadaha ku eedeeyay inay jebiyeen heshiiskaasi oo wixii ka yar boqol dollar lagu dirsan karo adeegyadooda.

Wasiirka Isgaadhsiinta Somaliland oo Xafiiskiisa Warbaahinta ugu warramay ayaa isagoo arrimahaa ka hadlaya yidhi  “Beryahan dambe waxa waddanka ku soo batay in la jebiyey amarkii Dawladdu soo saartay ee ahaa in wixii boqol dollar ka yar lagu isticmaalo Shilinka Somaliland oo keliya.”

Eng. Suufi oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Shirkadaha waxaan u sheegayaa jebintaa ay jebiyeen amarkii Dawladda inay si deg-deg ah uga noqdaan, digniina waanu u qoraynaa.”

 

Wariye: Xamse Jirde

Wajaalenews Desk

Hargeysa Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS