Xilliga la dhegaysanayo Dacwadda Suuqa Kala iibsiga Chelsea oo la cayimay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Xilliga la dhegaysanayo Dacwadda Suuqa Kala iibsiga Chelsea oo la cayimay
March 26, 2019 - Written by Reporter:

Xidhiidhka kubbada cagta aduunka ee FIFA ayaa isniintii shalay si rasmi ah u shaaciyay in ay Chelsea ka heleen rafcaan ay ka qaadatay dacwadii ganaaxa labada xili suuq ahayd ee ay FIFA ku soo rogtay kadib markii lagu soo cadeeyay in ay jabiyeen sharciga da’yarta UK ka baxsan ee suuqa kala iibsiga caalamiga ah.

Chelsea ayaa heshay war qoraal rasmi ah oo loogu sharaxay sababaha dhabta ah ee ay ganaaxan ku mutaysteen, waxayna ugu danbayn Chelsea si rasmi ah u qaadatay rafcaan ay ku doonayso in ay kaga dagaalanto ganaaxa labada xili suuq ah ee lagu soo rogay.

Sida ay hadda u taagan tahay, Chelsea waxaa laga ganaaxay in ay wax saxeexyo ciyaartoy ah saamyn karto suuqa xagaaga ee July 1 furmi doona iyo waliba suuqa bisha January ee xili ciyaareedka soo socda, laakiin maamulka Chelsea ayaa doonaya in ay dacwada rafcaankooda kaga guulaystaan kiiskan.

Sida la xaqiijiyay dhegaysiga dacwada rafcaanka Chelsea ayaa lagu taariikheeyay April 11,2019, markaas oo ay Chelsea ogaan doonto rajada ay u haysato in ay ku guulaysan karto kiiskan ama ugu yaraan ay heli karto ganaax ka yar muddada labada xili suuq ah ee lagu xukumay.

COMMENTS
LINKS