Facebook oo xayiraysa tabinnada tooska qaarkood | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Facebook oo xayiraysa tabinnada tooska qaarkood
March 30, 2019 - Written by Reporter:

Facebook ayaa ballan qaadday iney dajineyso nidaam lagu xaddidayo tabinta tooska ee Facebook laga tabiyo qaarkood, hadalka facebook oo imanaya laba toddobaad kadib markii uu dhacay weerarki lagu qaaday masaajidda ku yaalla dalka New Zealand.

Madaxa howlgallada ee shirkadda Facebook Sheryl Sandberg ayaa sheegtay baaqa shirkadda uga yimid dhinaca baraha bulshada iney tixgelineyso islamarkaana ay waxbadan ka qabaneyso “ficillada neceybka wata” ee Facebook lagu baahiyo.

Xukumadda New Zealand waxay sheegtay iney dib u eegis ku sameyneyso shuruucda dalka ayna ku soo dari doonto “hadallada iyo ficillada neceybka” ee ay shaqsiyaadka gudbiyaan shuruudcdii lagaga hortagi lahaa.

Wasiirka caddaaladda New Zealand Andrew Little wuxuu sheegay shuruucda hadda dalka u yaalla iney ahayn kuwa wax ka qaban karo “hadallada iyo ficillada neceybka” dowladda iyo guddiga xuquuqda aadanaha waxay hindisa sharciyeedka ugu horreeya baarlamaanka soo hordhigayaan dabayaaqada sanadkan.

Weerarki 15-ka March ka dhacay Chiristchurch waxaa ku dhintay 50 qof dad intaa le’egna ay ku dhaawacmeen, 21 ka mid ah dadkii dhaawacmayna ay Cisbitaallada yaallaan.

Facebook maxay arrintan ka tidhi?

Ms Sandberg waxay warqad qoraal ah ay soo gaadhsiisay wargeyska New Zealnd Herald waxayna farriin u dirtay ehelada dadkii weerarkaasi ku waxyeelloobay, bulshada muslimka ee dalkaasi ku dhaqan iyo xukumadda New Zealand.

“Waxayna sheegtay dadka isticmaala Facebook oo muuqaallada tooska ah ku soo tabiya inta ay tabin ka hor in la weydiinayo waxa ay ku tabinayaan si ay u dhicin muuqaallo la mid ah weerarka New Zealand in lagu baahiyo si looga hortago.”

Ms Sandberg “ugu horreyn waxaan dajineyna nidaam xaddidayo wax walbana waan hubineynaa waxa uu qofka ku gudbinaya iyo inuu farriimo xadgudub ah uu ku gudbinayo iyo inkale.”

Facebook waxay sheegtay “Muuqaalki tooska ahaa ee weerarki Chiristchurch uu toos uga socday Facebook iney daawadeen 200 oo qof muuqaalkana uu socday 17 daqiiqo, facebook waxay xogta muuqaalkaasi ay heshay oo ay joojisay 12 daqiiqo marka uu marayey.

Baraha bulshada ayaa waxay dagaal adag kula jiraan sidi ay u xakameyn lahaayeen muuqaalka weerarka Christchurch oo ay dadku kooboyeysteen ilaa iyo haddana shirkadda Facebook waxay sheegtay 1.5 milyan oo Copy oo laga baahin rabay Facebook iney joojisay.

Facebook waxay cambaareyn caalami ah kala kulantay weerarki Chirstchurch oo ninka weerarka geystay uu si toos ah uga tabiyey Facebook.

COMMENTS
LINKS