Madaxwayne; Cudurka Kaagala Fardaha Hadii laga Gubo Dameer Dawada Lamagaadhayee! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxwayne; Cudurka Kaagala Fardaha Hadii laga Gubo Dameer Dawada Lamagaadhayee!
March 30, 2019 - Written by Editor:

Waxaa Mudooyinkii U Danbeeyay iyo bilowga xukuumada socod baradka ah ee madaxwayne Muuse Biixi Cabdi dhaqdhaqaaqooda aad loo dareemayay hanti dhawrka guud ee qaranka  oo mudo dheer ahayd haayad fadhiid ah balse waqtigan xaadirka ah  baadhitaano badan ka fuliyay qaar ka mid ah Wasaaradaha dalka iyo Xafiisyada dawladaha hoose qaarkood .

Wallow ay bulshada reer Somaliland ku diirsadeen baadhitaanada lagula dagaalamayo musuq maasuqa iyadoo dhawaan eedo musuq maasuq loo xidhxidhay masuuliyiin ka tirsan xukuumada, walow  talaabadaasi qaabkii loo maamulay ay kasoo baxeen aragtiyo kala duwan oo dareeno kala duwan ka bixinayaan shacabka reer Somaliland talaabada ay qaaday xukuumadu oo iyadu leh fulinta eedaha uu soo jeediyo hanti dhawrku! Iyadoo arimuhu sidaasi yihiin waxaa tamid in la xidho laba masuul oo ka mid ah wasaarada warfaafinta oo kala ah agaasimihii guud ee dhawaan iscasilay iyo agaasimaha maamulka iyo lacagta,

balse markiiba lasiidaayay agaasimihii guud halka agaasimihii maamulka uu kusii xidhnaa xabsiga  mudo todobaad ah, Xadhiga uu ku kaliyaystay agaasimaha  maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta ayaa keenay iswaydiimo faro badan oo dareeno culus ku kula abuuray shacabka reer somaliland gudo iyo dibadba, Ujeedadii uu u socoday hanti dhawrka guud ee qaranku maxaa badalay! Saamayn inteeg leeg ayay ku leedahay xukuumadu oo iyadu ah fulinta hawlaha qaranku?

Waxyaabaha bulshada reer Somaliland ka yaabiyay waxaa kamida ah markii xadhigii iyo baadhitaanadii kusoo ururinteen agaasimaha  maamulka oo isagu aan ahayn masuul uu magacaabo madaxwaynuhu  balse wixii talaabo ee uu qaado uu ku fulayo amarka wasiirka wasaarada iyo agaasimaha guud. Marka aynu eegno ficilka iyo tacadiga lagula kacay Agaasimaha maamulka iyo lacagta wasaarada warfaafinta waxay ina tusaysaa in la majaro habaabiyay hawlihi hantidhawrka taasina waxay shacabka reer Somaliland u cadaynaysaa in xukuumada xisbiga kulmiye haday tahay xukuumadii siilaanyo iyo tan madaxwayne Biixi ay marwalba taargad ka dhigteen Agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta oo isagu xilka kala mid ah dhamaan Agaasimayaasha maamulka iyo lacagta ee wasaaradaha iyo haayadaha dawlada oo mudo dheer iyagu xilalkaa haya.

Hadii aan udhaadhaco ujeedada maqaalkaygan waxaan leeyahay madaxwayne Muuse Biixi Cabdi waxaad dhawr jeer hadalkaaga kusoo dartay in dalku kala qaybsan yahay oo saamayn ay ku yeelatay doorashadii madaxtooyadu ee adiga aad kusoo baxday tartankeedii Mudane madaxwayne agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafintu wuxuu kasoo jeedaa gobolka Awdal gaar ahaan deegaanka degmada Dilla oo iyadu lahayd musharax madaxwayne kuxigeen ee xisbiga Wadani oo ah xisbigii aad doorashada kaga guulaysatay, hadaba ficilka ku kooban agaasime Xasan miyaan la odhan Karin wuxuu daba socdaa ka aar goosashada beelihii aan kuu codayn, ama waxaad haysaa jidkii Kulmiye ku caanka ahaa! Mudane madaxwayne waxaan kugula talin lahaa anigoo hadalkaagii la xidhiidhay kala qaybsanaanta bulshada iyo xanaftii ay reebtay doorashadu raacaya , ficilada socda wakhtigan iyo xadhiga ku gaarka ah Agaasimaha waaxeedka waxaan ku odhan lahaa hasii kala fogayn Somaliland iyo gobolka Awdal kana fiirso ficilka iyo falalka kasoo fulaya xukuumada oo muuuqda kuwo sii kala fogaynaya Somaliland iyo gobolka Awdal Mudane madaxwayne gobolka Gabiley ee aad kasoo jeedo waxaan ku odhan lahaa dhaxal uga tag oo hadii aad wax kale uqaban waydo ka shaqee wixii iyaga iyo reer Awdal isku soo dhawaynaya iyadoo lawada og yahay utuntii uu kala dhex dhigay kulmiye Gabiley iyo Dilla in aad dawayso ogowna waxkasta oo aad gasho in reer Gabileyna kula leeyihiin maadama ay tahay gobolkii sida wayn lagaaga doortay, Gabileyna hadii ay shalay ka aamustay dhacdooyinkii la ogaa ee kulmiye u horseeday maanta waxaan filayaa in aanay noqonayn daawade ficilada xukuumadaha kulmiye ku beegsanayaan agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaarada warfaafinta iyo caadaysiga falalka aan soomaliland danta u ahayn ee kulmiye ku sii kala fogaynayo inan iyo abtigii waxaana lagaaga fadhiyaa cadaalad iyo sinaan aad kumaamusho Somaliland balse aan ahayn kala qaadasho kursi iyo kala fogaynta shacabka reer Somaliland, ee walaalaha siiba gabiley iyo boorama.

QALINKII; FARXAAN MAXAMED BARKHAD

HARGAYSA SOMALILAND

 

.

 

COMMENTS
LINKS