Laascaanood oo Lagu Rakibayo 70 Tabeellooyin Laydhka Cadceedda Ah (Sollar) | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Laascaanood oo Lagu Rakibayo 70 Tabeellooyin Laydhka Cadceedda Ah (Sollar)
March 31, 2019 - Written by Reporter:

Laascaanood (WJN)– Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland ayaa Magaalada Laascaanood ka hirgelinaysa 70 midh oo ah Tabeellooyinka Xambaarsan Laydhka Sollarka ah ama Cadceedda laga dhaliyo.

Agaasimaha Guud ee wasaaradan oo ku sugan magaalada Laascaanood ayaa dhagax dhigay mashruucan oo 70 biraha xambaara Solarka lagu qotiminayo qaar ka mid ah wadooyinka magaalada.

Munaasibadan oo ay hadalo ka soo jeediyeen masuuliyiin kala duwan ayaa dhamaantood ay farta ku fiiqeen sida loogu baahan yahay Solarka tamarta qoraxda oo wax badan ka taraya dhinacyada amaanka iyo bilicda magaalada Laascaanood.

“Waxaan maanta wadnaa agabka soolarka oo lagu rakibayo magaalada iyo agabkii lagu dayactiri lahaa kuwii hore ee wixii ka xumaaday” sidaa waxaa yidhi agaasimaha Guud ee wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Cabdiraxmaan Abdeeq oo intaas ku daray in daryeelkooda iyo illaalintoodaba looga baahan yahay bulshada Laascaanood.

Duqa degmada Laascaanood Cabdicasiis Xuseen Xassan ayaa in badan ku dheeraaday baahida loo qabey agabkan oo uu xusay in ay sii wadi doonaan illaa ay ku dhamaystiraan guud ahaan wadooyinka magaalada Laascaanood.

Sidoo kale gudoomiyaha gobolka Sool Cabdiqani Jiidhe ayaa u mahad celiyey wasaaradda Tamarta iyo Macdanta Somaliland ee hawshan iska xilsaartay wacaanu xusay in aanay ku filayn oo wili ay baahidu taagan tahay.

 

Wajaalenews Desk

Laascaanood Office

Wajalenews@gmail.com

COMMENTS
LINKS