WAJAALE NEWS

Boqortooyadii Karaamada Iyo Kaartadii Lagu Sameeyey Qasnadii Kaydka Damaca.Sheeko:-W/Q:C/raxmaan Jeesto

Boqortooyadii  faca-weynayd  Ee  (Mongolian Empire), Oo  ku  taala  ama  dhacda  Badhtamaha  Eeshiya  (Centeral  Asia), Iyo  Bariga  Eeshiya  (East  Asia),  Sumad  ahaana  noqonaysa  dhulka  u  dhaxeeya  wadamada  Ruushka  iyo  Jaynaha   (Russia  And  China)  Ee  buuraha  (Altia  Mountians),  Baaxad  ahaana  cadadkeedu  ahaa  (1,564,116) Square  Kilometres, Ayaa  waxa  soo  martey  boqortooyo   bilaa  dhaxal  ah  waxanay  aheyd  intii  ka  horeysay   (Genghis  Khan ),  Nidaamkan  imbaraadooriyada  may  aheyn  balse  way  ka  gadisanayd  waxana  la  odhan  jiray  (Temujin   Monarchy),  Qaabkan  boqortooyonimo  ee  ay  ku  dhawaad  qiyaastiisu  aheyd   Qarnigii  11aad  lama  kala  dhaxlo  balse  kolba  cidii  loo  garto  ayaa  la  cumaamadi  jirey,  Markan  danbe  ayuu  ninkani  lagu  magacaabo  (Genghis  Khan)  ayaa  aas-aastey  boqortooyadan  horteedse  magacaa  ayaa  la  odhan  jirey  aan  kor  ku  soo  xusey.

Boqorkii  hogaaminayey   buq-cadii  (Temujin  Monarchy),  Ka  hor  intaaney   il-bixin  dadka  ku  abtirsada  boqortooyadani  wuxuun  bay  ahaayeen  (Nomadic  People),  Dad  reer  mi,yi  ah  oo  isu  dhaqa  Xeer-dhaqameedkoodii  qoom  ahaaneed,  Hogaamiyihii  ugu  horeeyey  waxa  uu  ahaa  “Temujin”  Ninkani  waxa  uu  ahaa  Odey-dhaqameed  ama  beel-daajiye  waxan  ay  soomaalidu  tidhaa,  Inta  badana  waa  lagu  moransan  yahay  Sooyaalkiisa  qof  ahaaneed  waayo,  Casrigaasi  waxa  lagu  duraa  umada  halkaa  ku  dhaqnayd  iney  ahaayeen  Jaahiliin,  Waxana  khadka  ka  saarey  Boqorkii  aas-aasey  Boqortooyadan  Mongolianka  oo  ahaa  (Genghis  Khan)  Oo  macnaheedu  ahayd  Boqortooyadii  caalamka  af-ahaana  waa  “China”,  Ama  Universal  Kingdom,  Markaa  qoladan  danbe  ee  mangooliyiinta  ayaa  aad  isu  buun-buuniyey  taariikhdii  hore  ee  boqortooyadana  masaxey  waayo  yagaa  Caalamka  saamayn  ku  yeeshay  hamigoodiina  in  badan  ka  hir-galiyey  aduunka.

Hadaba  bacdal-taariikh  aan  iba-furo  sheekadu  halkay  u  soco, Boqortooyadaa  temujiyiinta  lama  kala  dhaxli  jirin, Dhaxalka   dhalashada  aabaha  iyo  inankiisa  waxayse  u  dhignayd  qaabkan  in  qoyska  Temujiyiinta  hadba  hal-doorkiisa  lagu  wareejiyo,  Hadaba  markay  da,a  ahaan  tirsatey  Boqorkii  saddexaad   ayaa  waxa  uu  damcay  odeygii  markaa  ka  dhintay  inuu  wiilkiisa  ku  dar-daarmo  uu  isagu  dhalay,  Balse  ay  jireen   ilma-adeeradiisii  xayga  ahaa  in  qaarkood  kaga  haboonaayeen  waa  sida  ay  tibaaxday  aragtida  umadii  boqortooyadu  u  talinaysay  iyo  waliba  qoyskii  temuujiyiinta  ee  (Royal  Familyga  ahaa),  Wiilasha  ka  mudnaa  boqorka  aabihii  ku  dar-daarmey  waxay  ahaayeen  lix  wiil,  Waxay  soo  guuxdaba  oo  ay  soo  guura-baaleysaba  waxa  si  toosa  ula  wareegay  hogaankii  boqortooyada  Temujinkii  afraad,  Oo  ay  ku  dayran  tahay  caqabado  ka  duwan  kuwii  hore  u  adeeradii  iyo  waliba  aabihii  soo  wajaheen.

Wiilkii  waxa  ku  adkaatey  inuu  ka  shaqeeyo  wiilashii  ay  ilma-adeerka  ahaayeen  maxaa  wacay  Aabihii  ayaa  marin-habaabiyey  oo  meeshii  dhaxal  ka  dhigay  hadaba  si  uu  u  hogaamiyo  umadiisii  iyo  ilma-adeeradiisii  ay  iskhilaafeen,  Ayuu  si  qoto-dheer  u  fakirey  waxaanu  dajistay  Siyaasad  cusub  oo  uu  ku  soo  jiidanayo  qoyskooda  gaar  ahaan  Ilma-adeeradii  waxaanu  yidhi  dhamaan  cidii  boqortooyada  ku  abtirsataa  waa  wada  Boqoro,  Marka  laga  reebo  haweenka  sidii  baanay  ku  dhaqan-gashey ,  Hadaba  siyaasadan  uu  ku  soo  xero-galiyey  xubnahan  qoyska  boqortooyada  ayuu  ugu  magac-darey  (  Boqortooyadii  Karaamada  Iyo   Samaynta  Qasnada  Kaydka  Damaca),  Qorshahaasi  oo  u  sahlay  boqorkii  inuu  shaqeeyo  sababtoo  ah   nin  kasta  oo  ka  mida  qoysku  wuxuu  yahay  boqor  waxaanu  qabaa  Ulasho,  Naawilaad,  Iyo  Rajo  talisnimo,  Inta  badana  Boqorka  hogaanka  hayaa  wuxuu  u  yeedhaa  marba  boqor  ay  ilma-adeer  yihiin  ama  waxa  ay  la  galaan  shirerka  madaxda  Boqortooyooyinka  jaarka,  Sidoo  kalena  waxay  weheliyaan  raacitaan  safarada  deegaamada  shisheeye  ama  qoomiyadaha  jaarkooda  ah,  Hadaba  talaabooyinkan  ayaa  fududeysay  in  ay  gacmaha  is-qabsadaan  dhamaan  temujiyiintii.

Dariiq  kastaa  waxa  uu  leeyahay  meel  uu  ku  geeyo  ama  uu  ku  arooro,  Hadaba  waxaan  uga  gol  leeyahay  ama  aan  u  soo  qaatey  sheekadan  ku  saabsanayd  boqortooyadaa  Mangooliyiinta,  Nimaadka  naawilaada  siyaasada  iyo  rajaynta  is-xusidu  waxay  hada  ka  socotaa  dal  ka  mid  ah  dalalka  Geeska-afrika,  Kaasi  oo  uu  hogaamiyihiisu  cusub  yahay  waxaanu  aragti  ahaan  qaatay  talaabadani,  Si  aaney  umada  ugu  dhaafin  Siyaasiyiin  wadankaa  u  dhashay  oo  in  badana  saaxada  ku  soo  jirey,  Maxaa  yeelay  horta  Siyaasiyiinta  afrikaanka  badankoodu  inta  wax  caaridaa  wax  sidaa  u  sii  weyn  ma  rabaan  kaliyaata  hankoodu  waxa  weeyi  in  hadba  hogaanka  hanta  kursiga  ay  ag-joogaan  ama  ay  ka  ag-muuqdaan  waxna  la wadaagaan,  Sida  muuqaalo  isu  fasiraya  inuu  la  taliyo  amaba  uu  ka  qayb-galiyo  Aaraahda  lagu  dhaqo  dadka,  Hadaba  isaga  siyaasigan  maxaa  uga  faa,iido  ah  talaabadan  ama  maxaa  ka  soo  galaya???,  Waxa  ka  soo  galaya  inuu  qof  ahaan  wali  si  caadiya  u  aamino  inuu  qof  dhamaystiran  yahay  oo  isku  buuq  iyo  isku  caajis    (Stress  And  Borring),  Ka  bad-baadey  isla  markaana  wax  rajeeya  lana  tirsado.

Siyaasadu  waxay  afrikaanka  ku  noqotey  Cudur  ay  ku  dawakhaan  oo  ay  waayaan  dawadiisa,  Hadii  aad  aragto  Siyaasiyiin  bilaa  daawo  ah  ama  aan  ujeedo  lahayn  waxay  tabayaan  Hogaamiye  caadiya,  Sida  ka  mid  ah  aragtiyaha  caalamigee  Hogaaminta   waxa  ku  jira  qodobadeeda  ugu  cul-culus  qofka  aad  is-leedahay  wuu  kugu  dhib  badan  yahay  kana  mid  ah   cidaad  hagayso ,  Waa  inaad  la  tashato  waliba  Teamkaaga  dhexdiisa  markaa  wahab  ayaa  ka  duulaya  waxa  uu  is  bidayaa  inuu  yahay  (Role  Model),  Ka  ciyaara  bartiisa  ku  haboon ee  uu  hawsha  ka  wado.  Hogaaminta  ayey  astaan  u  tahay  inaad  la  tashato  qofkii  caqabad  kugu  ah  waxaanad  u  muunaysay  sidii  qof  macalin  kuu  ah  markuu  hagistaadii  darifka  kula  qabto,  Sidoo  kale  waxa  dagaysa  qanaacada  basharnimo  hogaamiyahana  waxa  u  suura-galaya  inuu  si  caafimaad  qabta  u  hago  meel  kasta  oo  uu  hogaanka  u  hayo,  Waa  ajar  rasmiya  hadaad  ruux  ku  beerto  rajo  adna  hadaad  hogaan  tahay  waad  ku  amaan  helaysaa,  Dalka  ay  waxani ka  unkameen  waa  dal  curdina  ama  jawharad  ka  soo  dhex  widh-widhaysa  Afrika  dhamaanteed,  Xal  loo  helay  haggis  umadeed.

Qalinka :  C/raxmaan    Sayid   Faarax   (Jeesto).

Diplomatic  Analysts

Gabiley/Somaliland.

Exit mobile version