WAJAALE NEWS

Goleyaasha Deegaanka Dalka Waxa Badeli Kara Oo Kaliya Goleyaal Lasoo Doortay, Lamana Kala Diri Karo!

Goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland ayaa doorashadoodii in la qabto oo dhacdo ay ahayd dabayaqaadii bishii tagtay ee march-2019.

Dadka reer Somaliland ayaa waxa ay aad u hadal hayaan in Madaxwaynuhu kala dirayo goleyaasha deegaanada dalka ee mudo xileedkoodii dhamaadka yahay , laakiin meelna sharciga kagama xusna in Madaxwaynuhu dhamaan goleyaasha deegaanada dalka kala diri karo.

Haddaba marka aynu nahay dal dhigtay shuruuc iyo qawaaniin lagu hago , waxa waajib inagu ah waxa aynu dhiganay in aynu ixtiraamno oo ku dhaqano , mudanaha kursiga fadhiyaa masuuliyada qabsoomida doorashada isagu maleh waxbana kagama xidhna ee cidii diyaarin wayday ee masuuliyadaa lahayd ayaa ku ceebaysan.

Marka aad akhrido xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka iyo dawladaha hooose Xeer No.23/2002 , kuma taalo awood uu Madaxwayne ku kala diri karaa goleyaasha deegaanada dalka oo dhan marka laga reebo goleyaal si gaar ah loo soo eedeeyay.

Waxaana si cad u qeexaya mudo xileedkooda iyo qaabka gole deegaan loo kala diri karo qodobada 19naad, 20naad, 29naad ee xeerka ismaamulka gobolada iyo degmooyinka iyo dawladaha hoose Xeer No.23/2002.

Tolow markaa maxaa lala damacsan yahay xildhibaanada goleyaasha deegaanada dalka jamhuuriyada Somaliland oo uu dhamaad yahay mudo xileedkoodii.

▪Lifaaqa hoose ka akhriso sida ay gole deegaan loo kala diri karo, mudo xileedkooda iyo cida kala diri karta hadii ay sababahaa qaar ka mid ahi dhacaan.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

 

Exit mobile version