Dawladnimooy Maxaad Tahay? Maxaad U Taqaanaa Adigu? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dawladnimooy Maxaad Tahay? Maxaad U Taqaanaa Adigu?
April 4, 2019 - Written by Editor:

Inta Garashadayda iyo fahamkaygu i siiyey ee aan u aqaano dawladnimo waa talis maamul iyo kala dambayn leh oo lawada leeyahay oo ay dadka dhulkaa ku nooli u garteen in ay danahooga ilaaliso oo ka shaqeyso.

Marka aan leeyahay danahooga macnuhu waa danta guud ee dadkaasi leeyihiin ee ay wadaagaan , sharaftooda, amnigooda iyo maalkoogaba oo ay ku aamineen dawlada una samaysteen qaab iyo hab kala dambayn leh oo la isku ayido oo lagu wada qanacsan yahay.

Marka ay sidaa tahay dawladu cida ay u dhisan tahay waa dadka iyaga ayaa samaystay oo leh waa halka laga yidhaahdo ” dawladu waa dadka ” , waxaana ay u arkeen dan oo iyagana way ilaalisaa iyaguna way adeecaan oo way aaminaan.

Dawladu waxa kale oo ay kala ilaalisaa dadka laftooda oo dadku in aanay dhexdooda isku xad-gudbin oo ka xooga wayni kuwa itaalka daran jiidh-jiidhin,  iyo in aanay dawlada lafteedu dadka ku xad-gudbin.

Marka ay sidaa tahay ee qaab iyo maamul dhisan oo goleyaal, maxkamado, madax, ciidan , shaqaale dawladeed oo awoodo sharci leh la sameeyay ayaa dadka dawlada maamulayaa iyo kuwa u shaqeynayaa waxa ay yihiin dad ka soo dhex baxay dadka oo umadu u igmatay masuuliyadahaa kala duwan.

Dadkaasi iyaga ayuun baa abuuri kara waxa lagu aaminay ee dadku heshiiska ku ahaayeen in uu noqdo wax la jecel yahay oo kalsooni dadku kuwada qabaan iyo in loo arko nidaam aan dan u ahayn oo marba in uuni ay ku adeeganayso.

Ku darso oo waxa loo sameeyay hab iyo qaab uu nidaamka dawladnimo ee la isla qaatay laguna heshiiyey u shaqeeyo oo is xisaabin iyo isku korjoog shaqo ah oo midba mid ka kale ilaalinayo lagana ilaalinayo waxii aan dan u aheyn dalka iyo dadka ay dawlada u yihiin iyo diintaba.

Haddaba hadii intii  madaxda ahayd dadka u heshiiso oo sidii la rabay loo shaqeyn waayo , mudadii lagu heshiiska ahaa ee shuruucdu dhigayeen kuraasida mudo ka badan la iska fadhiyo duruufo iyo sababo kalifay iyada oo aanay jirin , waa sababta ugu weyn ee keenta kalsooni darada iyo kala aamin baxa dawlad iyo shacabkeedii.

Wax iyaduna ayaan daro weyn oo ina haysata ah in si aad u hesho kursi iyo madaxnimo in dantaadu kaala waynaato dalka iyo danaha umada oo aad waxwalba ka dhex raadiso danaha xisbigaaga iyo xulafadaada adiga oo ka tagaya danaha guud ee dadkaagu leeyihiin ama sameynaya wax lid ku ah.

Intaaba waxa ka sii daran dadka oo aan aqoonsanayn awoodooda shacab iyo xooga ay leeyihiin oo hadii qaladaadku ay ku bataan iyo tabashooyinku in ay is abaabulaan oo si nabdoon shucuurtooda ugu soo bandhigaan isu soo baxyo ay ku sheegayaan waxa ay diidan yihiin iyo waxa ay doonayaan sameyn kara.

Waxa aynu rabnaa waa isbadel dhab ah oo saameeya ka darbi-jiifka ah ee gidaarada u hoyda iyo ka ladan ee wax haysta labadaba ay ku diirsadaan soona dhaweeyaan , waxaana uu ku imanayaa adiga oo ka xorooba nin jeclaysi, reer hebel iyo qabyaalad , meel kalena ha ka raadine akhriste adiga iyo aniga oo si xor ah u fikirna oo garana waxa aynu rabno ayuu isbadelku ku xidhan yahay.

” Dadka aan la hadlayaa

baan lahayn dux iyo iimaane

Anuun baa damqanayee

Dheguhu uma daloolaane

Waa dhagax dixeed caqliga

Dooni laga saaray ” Timacade AHN

QALINKII; Muhamed Dhimbiil

COMMENTS
LINKS