Dumarkii Daacish-ta U Duulay! W/Q: Cali Coomay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dumarkii Daacish-ta U Duulay! W/Q: Cali Coomay.
April 5, 2019 - Written by Editor:

Maadaama oo ururkii DAACISH dhawaan laga saaray magaaladii ugu dambaysay ee ay gacanta ku hayeen, waxa aynu qormadan ku eegi doonaa dumarkii ka soo hayaamay daafaha adduunka ee ku soo biiray ururka DAACISH iyo xaaladihii nololeed ee ay soo mareen.

= Hoda Muthana: waxa ay asal ahaan ka soo jeedaa dalka Yaman oo uu aabaheed ka soo tahriibay. Iyadu se waxa ay ku dhalatay kuna barbaartay gobolka Alabama ee Maraykanka. Aabaheed wakhtigii ay yarayd wuxuu ka ilaalin jiray inay si fudud u dhexgasho dhaqan aan islaamig ahayn. Wuxuu ka ilaalinayey inay yeelato Tilifoon, nin ay la saaxiibto iyo ka qaybgalka xafladaha dabada lagu lulo. Markii ay dugsigii sare dhammaysay ee ay natiijo fiican ka keentay imtixaankii ayuu aabaheed abaalmarin ahaan u siiyey Tilifoonka gacanta. Wixii intaasi ka dambeeyey waxa ay gashay duni kale oo ay ka dhego xidhnayd. Iyada oo laba sanno ku jirtay jaamacadda sannadkii 2014 ayey xidhiidh dhinaca Internet-ka ah la soo sameeyeen koox ururka DAACISH u qaabilsan soo xero gelinta dadka shisheeye ee caalamka ku sugan ee islaamka ah ama doonaya inay islaamka soo galaan.

Waa taa loo soo dejiyey qorshe ay ku iman lahayd dalka Suuriya, iyada oo lagu hago Tilifoonka gacanta. Waxa lagu qanciyey inay jannada ugu hadhsan tahay intay soo cago-dhiganayso dalka Suuriya ee ku soo biirayso Khilaafada Islaamiga. Waxaabay urursatay xamaanteedii. Shandadeedii ayey waxoogaa dhar ah ku guratay, waxa ay la soo baxday lacag ay ka urursatay bishii jaamacadda iyo nusasaaceheedii. Markiiba waxa ay afka saartay dhinacaa iyo madaarka magaalada oo tikidh ayaa u go’naa ilaa Turkiga. Markii ay qoyskeedii su’aaleen halkay tegayso, waxa ay si qabow ugu tidhi” waxa aan ka qaybgalayaa xaflad ay jaamacadayadu ku qabanayso ATLANTA” oo ilaa laba saacadood loo soconayo. Kooxda DAACISH ee hagaysay gabadha waxa ay siiyeen lambar ay ka soo hadasho marka ay ka soo gudubto xuduudda u dhaxaysa Turkiga iyo Suuriya. Intii ay dhexda ku sii jirtay way ooyeysay, waxa qalbigeeda gubayey inay gudanayso waajib Ilaahay ku faral yeelay.

Waxa ay tidhi” waxa aan ka tegay qoyskaygii, gurigaygii, noloshaydii fiicnayd iyo wax kasta oo aan garanayey oo aan jeclaa”. Waa taa cago-dhegatay Turkiga, kana gudubtay xuduudda oo gudaha u gashay Suuriya. Waxa ay markiiba garaacday tilifoonkii la siiyey, waxaana u yimid kooxdii hagaysay. Waxa lagu daray dumar ciidaa ka badan oo daafaha adduunka ka yimid si ay DAACISH uga mid noqdaan. Waa la qaaday waxaana la tusay liis rag ka tirsan DAACISH oo doonaya dumar ay guursadaan. Waxa ay la kulantay Suhan Rahman oo reer Ustareeliya ah, oo magaciisa u beddelay Abu Jihaad. Ka dib kulan wada sheekaysi kooban oo ay qol ku yeesheen ka dib wuxuu la tegay guri. Halkaasina waxa ay ku noqotay xaaskiisii. Magaceedii wuxuu u beddelay Umma Jihaad. Iyada oo ay qoyskeedii muddo la’aayeen, ayuu baa lagu war helay iyada oo barteeda Tuwiitarka soo dhigtay muuqaallo ay xidhan tahay xijaab iyo gacmo gelis (Gloves). Waxa ay kor-u-haysaa baasaasboorkeedii Maraykanka ahaa oo ay ku hanjabayso inay dab sudhi doonto. Waxa loo sheegay in aanay guriga ka bixi Karin kol haddii la guursaday, gaar ahaan marka ninkeedu uu ku maqan yahay jihaadka. Waxa ay qoraallo iyo muuqaallo lagu soo jiidanaayo muslimiinta Maraykanka ay si joogto ah u soo dhigi jirtay tuwiitarkeeda.

Muddo ka dib ninkeedii ayaa lagu diley dagaalladii, waxaana la ogaysiiyey geerida si ay isugu diyaariso in nin kale guursado. Ninkii labaad ayey uur u yeelatay, waxa ay noqotay tabcaan oo dhiig la’aan ayaa ku dhacday. Wakhtigeeda oo dhan sariirta ayey ku qaadanaysay. Waxa ay bilowday inay fikirto, oo ay isu qaban weydo wixii ay filaysay iyo xaalada nololeed ee qallafsan ee ku sugan tahay. Waxa ay seegtay noloshii qoyskooda iyo tii dalkeeda. Waxa ay dhashay wiil, waxaana ninkeedii labaad lagu khaarajiyey dagaalladii ka dhacayey magaalada Mowsil ee Ciraaq. Waxa loo sheegay inay diyaaradi gantaal ku dhuftay goob uu ka dagaalamayey. Waxa ay ka baxsatay magaalada Raqqa ee Suuriya, waxaanay socotay hal mayl oo habeenkii oo dhan ah, Si ay u gaadh goob caafimaad halkii ugu dhaweyd. Meel kasta duqeyn ayaa ka socota. Gantaalaha ay tuurayaan diyaaradaha Maraykanku ayaa meel kasta sida roobka ugu soo dhacaya. Raqqa ayaa laga qabsaday DAACISH, way ka qaxday. Aakhirkii waxa ay degtay Shafa oo ahayd meelihii ugu dambeeyey ee DAACISH ku sugnayd 2017. Halkaasi ayey nin saddexaad ku guursatay. In yar ka dibna way iska furtay. Waxa ay haatan ku jirtaa xero qoxoonti oo ku taalla Suuriya, waana loo diiday inay ku soo noqoto Maraykanka.

Cali Cabdi Coomay

Suxufi, qoraa ah.

Hargaysa, Soomaalilaan

Calicoomay@hotmail.com

La soco…

COMMENTS
LINKS