Ma Sheekha Ayaan Sheekhii Ahayn, Mise Tufka Ayaan Ahayn Tufkii?W/Q; Maxamed F, Qoti | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Ma Sheekha Ayaan Sheekhii Ahayn, Mise Tufka Ayaan Ahayn Tufkii?W/Q; Maxamed F, Qoti
April 5, 2019 - Written by Editor:

Waxa jiray sheekh tuf lahaa, kaasoo dadka buka marka loo geeyo si uu u soo dabiibo ama ugu soo tufo dabiibkiisa ay ka soo noqon jireen iyagoo caafimaad qaba oo ku soo bogsaday tufkiisii uu ku dabiibay  sheekhu.

Ninkii Sheekha ahaa jiray, ayey tiisii noqotay oo geeriyooday waqti dambe, kadibna wiil uu dhalay oo intii uu noolaa uu baray cilmiga tufka, kaasoo muddo dheer ka soo hoos shaqayn jiray  aabbihii, ayaa la wareegay shaqadii uu aabbihii dadka buka ku dabiibi jiray.

Bulshadii ku nooleyd deegaankaasi, marka ay xaalad caafimaad-darro ku timaado qof ka mid ah qoysaskooda, waxay dabiib uga raadin jireen wiilkii uu dhalay sheekhii tufka lahaa,  laakiinse, marka loo geeyo qofka buka kamuu soo noqon jirin isagoo caafimaad qaba, balse, waxa ku sii kordhi jiray xannuunkii uu qabay ee la doonayey in laga soo dabiibo.

Ka dib, markii dadka bukaan ah ee loo geyn jiray ay ku bogsan waayeen dabiikiisii wiilka uu dhalay sheekhu, waxay arintaas ku noqotay, wax ay aad u la yaabeen bulshadii deegaankaas degenayd, waxaanay isweydiiyeen  su’aal ahayd,  Waar ma sheekha ayaan sheekhii ahayn, mise tufkaan tufkii ahayn?

Waxaanay isku dayeen sidii ay u ogaan lahaayeen wiilka uu dhalay sheekhu in uu akhriyayo dabiibka cilmigii uu lahaa ee uu akhriyi jiray sheekhii tufka lahaa ee dhalay wiilka, arintaas  markii ay u kuurgaleen waxay ogaadeen in wiilku akhriyo cilmigii uu aabbihii wax ku dabiibi jiray.

Ka dibna, waxay yidhaahdeen, tufku waa tufkii, laakiinse, sheekha ayaan ahayn sheekhii.

.Qoraa/ Maxamed Faarax Qoti

mfqoti@gmail.com

COMMENTS
LINKS