Waayahay Wadaad, Waddankii Dhammaa Wax Yar Siisatee!Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Waayahay Wadaad, Waddankii Dhammaa Wax Yar Siisatee!Prof Cabdi Cali.
April 5, 2019 - Written by Editor:

Inankii Af-hayeenka ahaa; ku ye: Somaliland Ictiraaf bay raadinaysaa; Allaa kariim; ma Djibouti mise cid kale!!!!; Djibouti innagamay hagran ictiraaf kaliya, ee innaga oo dad ugu xigna ayay ina hagardaamaysaa; waxa ay u xusul duubtaa in aan cid Kale ina ictiraafin!!! markaasay waliba suuq madow dhaqaalaheena kaga sinaysataa!!! Waa immisa godobood?!!!!

Marka laga yimaaddo arrinta laba Geelle ee maanta taagan; maxaa yeelay taas waxa innagaga filan ka dacwee Xamar; goormaad aqoonsatay Somaliland?!!

waxa xaqiiq ah in ashkaas innaga mid ah ay Djibouti dano shakhsiya ku qabaan; dadkaasi ma eegaan hagrashadaas iyo hagardaamadaas; maxaa yeelay dantooda ayaa muqaddas ah; maxaad kaga daali; dadkani ma aha dadkii mabaadi’da iyo qiyamka; waa dadkii moofada iyo maraqa; iimaan ma laha; in English, I would translate it this way: they have no values and morals; particularly, national values in this context.

QALINKII; Prof Cabdi Cali; Maaumul wanaagga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS