Madaxweyne Geele Iyo Somaliland!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Geele Iyo Somaliland!W/Q;Barkhad-ladiif.
April 7, 2019 - Written by Editor:

Waxa la yidhi waraabuhu wuu ka baqan jirey Dameerka oo dhegihiisa ayuu warmo u haysan jirey, markii dambe ayuu dameerkiii ku yidhi waraabihii waar ha iga baqan waxani warmo maahee ee bal dhadhami, markii uu arkay in aanay warmo ahayn buu cunay dameerkii, waxanay sheekadani ka waramaysaa doqonimadda Dameerka.

Taas waxa ka dhigan Jabuuti oo waayadii hore laga baqan jirey oo aan laga hadli jirin ayaa hadda dadkii is bartay markii ay kiiskeedii usoo wareejisay Somaliland.

Dadka Somaliland waxa kaliya ee mideeya waa marka cid aan iyaga ahayn mid ka mid ahi ka tirsado in lagu xadgudbiyo ama loo awood sheegtay, taasi waxay keentay ficil ay isku wada raacaan gar iyo gardaraba, waana ta keentay in indhihii shacabka Somaliland mar kaliya ku fiirayaan Jabuuti.

Jabuuti waxay ahayd meel aan warbaahintu ka hadal waxa ka dhacaya, xiitaa dadka mucaaradka ku ah may haysan meel ay fariin ka diraan oo shacabkooda ka gaadhsiin karaan, haseyeeshee ficilkan guraxan ee la timid waxay dadkii bartay ina Cumar Geelle waxa uu yahay, haddi indhaha dadka kugu soo wada jeestaana waxay soo gaadhaysa dadkaaga taas oo halis galin karta inuu dareenkaasi galo shacabkiisa oo ay ku kici karaan.

Cabdi Iley waxa uu gabi ahaanba tirtirey reerkiisa, cid u hadli jirtay iyo cid soo bandhigi jirtay may jirin, haseyeeshee markii uu seefta la soo gallay dadka reer Somaliland ee dhinaca Itoobiya ku nool ee uu qaarkood laayey ayey qaylidu is gaadhay taas oo bulshadii iyo dadkii xuquuqda aadanaha u doodi jireen ka wada hadleen.

Cabdi iley waxa laga hayaa mar uu Xarshin yimid oo uu dadka u khudbadeeyey weedhahan “reerkaan ka soo jeedo cid ka nooli ma jirto,wax cararay iyo wax la dilay bay noqotay, idinkana (Xershin) maalinta dhawr qof la idinka dilo ayaad ilaa xadka ka saartaan qaylidiina oo qaylo dhaan ku dhufataan waa inaad ogaataan inaad Itoobiyaan tihiin ee aydaan Somaliland hayn.”

Waa runtii oo dadkii ku noolaa deegaanka uu Cabdi Iley ka soo jeedo xoolo iyo dad toona uma aabo yeelin ee seeftu wada mariyey, in cagta hoostiisa uu galiyey iyo in dhimatay iyo in baxsatay bay noqotay, waanu ka xanaaqi jirey in la ogaado dhibaatadda uu ka samaynayo deegaankaasi.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

HARGAYSA SOMALILAND.

COMMENTS
LINKS