Dhalinyarada Dunida Saddexaad Ma Boodh Gidaar Ku Yaalbaa!..Qalinka: C.S.F. (Jeesto). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dhalinyarada Dunida Saddexaad Ma Boodh Gidaar Ku Yaalbaa!..Qalinka: C.S.F. (Jeesto).
April 13, 2019 - Written by Editor:

Dhalinyaradu waa furaha bulsho laga furo ama laga xidho, Aduunka hadii la cabirayo bulsho-weyn meel ku wada nool, Hal-beega laga qiyaas qaataa waa dhalinyaradoodu siday ula haystaan nolosha iyo waliba xadiga Qaab-fikirkooda, Maxsuulkuna laba uun bay mid noqdaan kuwa lagu farxo oo wax soo kordhiyey ama kuwa laga naxo oo aan waxba soo kordhin isla markaana faashiliin ah.

Dunida saddexaad ayuu ahaa Baytal-qasiidkii qormadani iyo waliba dhalinteeda, Caalamka intaa leeg cida laga shaqeystaa ee aan wax-soo-saar buuran lahayni waa Qaarada Afrika oo loogu yeedho dunida saddexaad, Hadaba qaaradan waxa ku dhaqan dhalinyaro fara-badan kuwaasi oo aan aduunka ku lahayn magac, mukhatiricnimo, muhandisnimo iyo waliba mu,alifnimo shay laysla qaatey.

Dhalinta dunida saddexaad culuun way leeyihiin aqoonta ay bartaana ma,aha mid yaga anfacaysa, Arki maysid mid kaliyoo wax hindisa umadu ku diirsato uu ka soo jeedaa, Waa wada Aqoon-yahano aaney culuuntoodu u goynayn xal u helida mushkiladaha haysta, Aduunka waxba uma sheegaan yaga uun baa loo sheegaa.

Dhalinta dunida saddexaad waxay ka helaan daawashada dhalinyaro dhigooda ah oo shaqaysanaya, Kuwaasi oo layska jeediyey lana jiheeyey waa dhalinta kubada ama balooniga ciyaarta,e, Waxa laga dhigay kuwa caalamiya kuwa ugu badan ee ku mashquuley ee dan kasta u seegay waa dhalinta dunida saddexaad ama Afrikaanka oo yagu ah khabiiro falan-qeeya kuwaa shaqadooda wata.

Dhalinta dunida saddexaad ayuun baa laga soo helayaa sidii gidaarada lagu qoro boodhadhka shirkadaha magacyadooda oo kale, Qaar yagoo nool qof isu qorey oo u ah xayeysiis, Tusaale ahaan wiil baa taageera isagoo muslim ah ciyaartoy waxa uu iibsanayaa garan magaca ciyaartoygaasi ku qoran yahay, Wuu xidhanayaa markuu ciyaarayo ninkaa uu magaciisa sitaa hadaba qofkani maanu noqonayn sidii gidaar boodh ku yaala.

Dhalinta dunida saddexaad waxay kaga duwan yihiin kuwa kale ee caalamka waa umada kaliyee xidhata dhar magac qof kale ku qoran yahay, Aduunka adiga oo cid taageere u ah ma xidhan kartid garan uu ku qoran yahay magaciisu, Waayo waxay aaminsan yihiin in shakhsiyan qofkaasi hoos isu dhigay waxay xidhaan calaamada ay taageersan yihiin oo bilaa magaca.

Dhalinta dunida saddexaad waa dhalin la mashquuliyey oo loo sameeyey wax lagaga xadidayo fikirka iyo wax soo kordhinta, Waxaad moodaa inay in yari imika wax soo fahmayso wadamada qaar baa yeeshay dhalinyaro mukhtariciin ah, Kuwaasina lama buun-buuniyo taariikhdana laguma daro ee dalalkooda ayuun baa laga yaqaanaa.

Dhalinta dunida saddexaad waa dhalinyarada kaliyaatee dhigooda hagradey waqtiga ugu badan galiya haday tahay ciyaaro iyo aflaam, Kuwaasi horta way shaqeysanayaan laakiin kuwa afrikaanka ah ee aduunka wax cusub keena ama shaqaysanaya kuma mashquulaan mana bartaan xataa ma daneeyaan waxay u arkaan waqti lumis iyo wax aan waxba ka soo galayn.

Dhalinta dunida saddexaad ma xusto taariikhdu mana laha halyeyo sida kuwa reer galbeed loo buun-buuniyo oo macaa manhajyada taariikhda lagu daro, Dalalka horu-marey waxay ka dhigaan dadkooda aqoon la barto kuweenan afrikaankuna may fahmin waqtigiiba intaad baranayso ayuu kaaga dhamaanayaa, Waa ka sheekaynta nin shaqaysanaya ama ku daalista nin aan kuu ogayn.

Dhalinta dunida saddexaad waxa laga dhaadhiciyey in afrikaanku agnaan yahay oo anuu waxba garanayn, Isma buun-buuniyaan, isma qiraan, isma dhiiri-galiyaan, Waxa manhaj u ah in jinsigooga iyo isirkooda laga mashquulo loona mihraabo kuwo kale oo aan xataa wax badan soo kordhin balse yagu ku guulaystay iney aduunka waxoodan ka dhaadhiciyaan.

Dhalinta dunida saddexaad imika ku nool may helin aqoontii waqtigii mustacmarada ay heleen fucaada waalidkood ama hogaamiyayaashoodu ka midka yihiin, Waxay ku soo beegmeen afrika xorawdey oo hadana xiniban kana xayiran dhicana duruqa fikirka iyo aqoonta, Waayo in yar ayaa loo qadhiidhey halkaasina ha soo dhaafina ayaa lagu taasi baanay qaateen.

Dhalinta dunida saddexaad waa kuwa rajo-dhigey oo noqdey boodh gidaar ku yaala oo qof nooli isku qoro, Waxay naadiyaan ama naawilaan inay dagaladooda ka tacabiraan ama ka haajiraan, Halkaa gab ayey baneeyeen waxa is weydiin leh ayaa buuxinaya halkaa ay ka baxeen, ama waa ayo Assetka u yaala umadahooda ee bari hagayaa??????????.

Qalinka: C/raxmaan Sayid Faarax (Jeesto)

Diplomatic Annalysts.

Gabiley/Somaliland.

COMMENTS
LINKS