DAAWO; Oday Maxamed Xasan Dalab Oo Ka Waramay Dhacdooyin Xasaasiya Oo Dhexmaray Madaxwayne Biixi Iyo fariin Qiiro leh Oo Uu Udiray Shacabka Jsl | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Oday Maxamed Xasan Dalab Oo Ka Waramay Dhacdooyin Xasaasiya Oo Dhexmaray Madaxwayne Biixi Iyo fariin Qiiro leh Oo Uu Udiray Shacabka Jsl
April 13, 2019 - Written by Editor:

“Waxaan Leeyahay  Umada  Bari Iyo Galbeed Ku Nool Salaadiintooda Iyo Cuqaasha Waar  Qof Bila Aadana ah Oo Dhibaatada Intaa Leeg Qabaan Ahee  Wax Halaga Qabto”Maxamed Xasan.

“Waarniman Yahow Balo Nin Ka Dhacda  Ayaa Duni Dhan Aafaysee, Dee Geed Ma Ihiye Ee Umad Ayaa Kasoo Jeedaaye Wax Ha Laga Qabto Dhibaatada  Ihaysata” Maxamed X, Dalab.

HARGAYSA(W,N) -Oday Maxamed Xasan Dalab oo ah mulkiilaha dhulka xukuumada madaxwayne biixi sheegtay in  madaxtooyo ay ka dhisayso islamarkaana ah oday sideentan jir kana mid ahaa odayaashii muxtarimka ahaa ee magaalada hargaysa, qayb laxaad lehna ku lahaa halgankii dib loogu xoreeyay Somaliland ayaa markii uhoraysay ka waramay  tacadi iyo xoog ay xukuumada muuse biixi ku haysa ayna doonayso in ay dhulkiisa kula wareegto, ayaa soo bandhigay marxaladii uu soo maray dhulkan iyo kulamo uu la yeeshay madaxwayne biixi ,

Oday Maxamed Xasan Dalab ayaa fariin qiiro leh Udiray Shacabka Somaliland  isagoo shaaaciyay in aanay suurtoobay in dhulkiisa xoog lagaga qaato hadii keenayso xataa in uu ku naf iyo maalba waayo.

Sidoo kale Maxamed Xasan ayaa soo bandhigay dhib wakhtiga lagu hayo ooo xataa loo diiday dad iyo xoolaba in aanay ka bixin dayrka lagu wareejiyay.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA ODAY MAXAMED XASAN DALAB IYO FARIINTA UU SHACABKA UDIRAY;

COMMENTS
LINKS