Howlgalka Militari Ee Maraykanku Soomaaliya Ka Wado Waxay Qaadan Kartaa Toddoba Sanno Oo Kale | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Howlgalka Militari Ee Maraykanku Soomaaliya Ka Wado Waxay Qaadan Kartaa Toddoba Sanno Oo Kale
April 14, 2019 - Written by Editor:

WQ: Ryan Browne, Waxa tarjumay: Rashiid Odowaa [M.A Diplomacy and International Relation]

Todobaadkan ayuu madaxweynaha maraykanku saxeexay,In howlgalka Ciidanka US ee Somalia lagu daro sanad dheer ah,isagoo ku sababeeyay halista kooxaha islamiyiinta ah oo wadanka Somalia iyo Maraykanka naftiisaba ku haya halis aan caadi ahayn,hase ahaatee haddii ay taasi tahay mudadii ugu danbaysay ee taageero ciidan maraykanku siiyo Somalia,Sarakiisha maraykanku waxay sheegeen in 7 Sanado ay qaadan karto haddi la doonayo in ciidamo loo dhiso Somalia.

Arrintani waxay fursad u siinaysaa,in ciidamada khaaska ee maraykanku ay tabobar siin karaan,Cutubyo ka mid ah Ciidanka lugta si ay dhulka ugula dagaalamaan Kooxaha xidhiidhka la leh Al-qaacida,war war ayaa ka jira markii la arkay in xukuumadda Donald Trump ay doonayso inay dhinto ciidamada ka jooga Adduunka,waxanu bilaabay inuu ka daad gureeyo Syria ciidankii ka joogay,iyadoo ay ku taliyeen in illaa 2026ka loo bahanyahay inay sii joogaan Ciidanka maraykanku.

Haddaba ugu yaraan muddo laba sano ah ayay koox yaroo ciidan ah oo maraykan ahi tabobar siinayeen,ciidamo Somali ah si ay isaga caabiyaan weerarrada kaga imanaya Al-shabaab,ciidankan maraykanka shaqadiisa ayaa ah sidii ay ugu tabobari lahaayeen in Ciidanka Somalidu ay iska celiyaan kooxaha Al-shabaab.

Kooxdan Ciidanka Somalida oo loo yaqaan (Danab) macneheedu yahay kuwii Onkodka,ayaa aad u tiro yar waxana lagu qiyaasaa 500 oo askari keliya,waa tiro aad u yar marka loo eego Xeebta Somalida oo u dheer si la mid ah Xeebta Bari ee Maraykabka,Sarakiisha maraykanku waxay sheegeen in qorshuhu yahay in illaa 3000 la gaadhsiiyo bal si ay in uun wax uga taraan inay Alshabab kula dagaalaman tuulooyinka iyo magaaloyinka gudahooda.

“Sida qorshaha sanadka ku jirta waxa la doonayaa in shan guutto loo habeeyo iyo Taliskooda”Becky farmer oo ah afhayeenka Ciidanka African Command ayaa u sheegay CNN.

“Waxanu filaynaa in ay toddoba sano qaadanayso si howshan loo qabto”sidaas waxa yidhi Sarkaal caan ku ah la dagaalanka Argagixisada waxa kaloo uu intaas raaciyay”haddi shaqadan si dacadnimo ah loo bilaabo waxa loo dhamayn karaa si deg deg ah oo Fudud”

Muddo Rubuc qarni ah ka dib markii ay soo dhacday Diyaaraddii “Black hawkdown”isla markaana lagu dilay muqdisho 18 askari oo maraykan ah,ayaa haddana wali maraykanku uu markii labaad isku dayaya inuu Somalia wax ka qabto,Somalia waa halka keliya ee Maraykanku ka gaysto Duqaymo xagga cirka ah,maraykanka ayay Ciidamo xoog ahi ka joogaan Jabuuti iyo Niger.

Tan iyo intii la geeyay kooxaha talo bixinta iyo tabobarka ee marayka Somalia sanadkii 2013 kii,qorshahan woxoogay faaiido ah ayuu gaadhay mudadii uu xukunka hayay Donald Trump,waxa tabobar la siiyay Kooxda Ciidanka danab haba iska yaraato tiradooduye,waxa kaloo la kordhiyay Duqaymaha cirka ee loo gaystay al shabaab,waxa kaloo dib loo furay safaaraddii maraykanku ku lahaa muqdisho oo xidhnayd tan iyo 1991kii,wuxuu trump awood u siiyay Ciidanka marayka inay qaadi karaan duqaymo marka ay doonaan halkii awal hore ay isdifaac ka ahayd xaalkoodu.

Waxay sheegayaan ah sanadkan 255 dagaal yahan ay dileen kadib 30 weerar oo duqaymo ah,2018 ayay sidoo kale sheegen 47 weerar inay ku dileen 337 dagaalyahan,sidoo kale 2017 ayay sheegeen inay fulieen 35 weerar halka ay sanadkii 2016kii ay sheegen inay qadeen 15 weerar,weerarradan inta badan waxay sheegen inay ka fuliyaan gobollada Jubbooyinka iyo Shabeellooyinka.

“Ujeedadayadu waxa weeyaan inaan bur burino shabakadda isku xidhnaantooda” big,General Wiliam west ayaa sidaas u sheegay CNN hase ahatee xubno ka tirsan Aqalka cad iyo hayadda amnesty International ayaa Canbaareeyay Duqaymahan iyagoo sheegay inay waxyeelo ka soo gaadho Rayidka,in kastoo ay eedahas xukuumadda maraykanku dhinac isaga riixday waxayna sheegftay in laba qof oo shicib ah ku dhinteen keliya tan iyo intii howshani soctay.

Maj General Greg olson agaasimaha Howl-gallada ee Ciidanka maraykanka ee African Command ayaa ku doodaya,inuu werarkoodu Nidaamsanyahay,oo uu haysto Istratejiyad sax ah,waxanu ilaalinaynaa waddamada Xulafada nala ah ee Gobolka gaar ahaan Ethiopia iyo Kenya oo iayguna dagaal kula jira Alshabaab.

KULANKII LONDON

Habkan istrategiyadda Cusub wuxu ka soo baxay kulankii London ay ku yeesheen,waddamo dhowr ah oo ay ka mid yihiin UK.US,Ethiopia,Kenya iyo wakiillo ka socda UN iyo AU ay ku lafo gureen Mustaqbalka Somalia

In kastoo sannado badan ay Ciidamada Nabad ilaalinta ee Afrika Amisom ay dagaal kula jireen Alshabab,haddana alshabaab waxay muujisay inay tahay xoog adag,waxayna weearo ku qaaday xarumo badan oo Amisom waxayna gacanta ku dhigeen Saanad military iyo Gaadiid dagaal.

Waxa la isku afgartay shirka London in la abuuro Ciidan Militry oo 18,000 oo askari iyo Police ka kooban maamullada iyo Federalka oo dhan 32,000 si ay u bedelaan ciidamada Amisom marka ay ka baxaan Somalia,maraykanku wuxuu goobta kaga dhawaaqay inuu tabobar u fidin doono Guutada (Danab) ee uu haddaba gacanta ku hayo,lkn wuxu tibaaxay in Turkey,EU,iyo UAE Ciidamo badan oo ay tabobareen ay noqdeen hal bacaad lagu lisay Tusaale wuxu u soo qaattay 6000 oo ay tabobareen EU inanay ku biirin ciidanka Qaranka ee ay Suuqa galeen qaarkoodna malleeshiyo beeleedyo raaceen taas oo ka dhigaysa wax samada ku maqan in Ciidan Somalia loo dhiso.

Waxa kaloo af hayeenka African Command ee Ciidanka maraykanku carabka ku dhuftay inaan xattaa Guutada ay tabobarka siiyeen ee (Danab) ee Imika xukuumadu gacanta ku hayso aan la hubin ama aan la aamini Karin ee wajiga ay rabaan u shaqayn karaan,iyagoo kolka horeba hab reer lagu keenay.

CALAAMADO MUUJINAYA HORUMAR

Diplomasiyiin badan oo maraykan ah,Sarakiil military iyo saraakiisha Gargaarku waxay sheegeen in Xoogaa Dib u habayn xagga amniga ah laga daremayo magaloyinka.

Kordhinta sanadka ah ee joogitanka Ciidanka maraykan ee Somalia ayaa ku soo beegmaysa Xilli uu Raiisalwasaraha Somalia Xasan Ali khayrre uu booqasho shaqo ku joogo Maraykanka,waxanu la kulmayaa John Bolton oo ah la taliyaha Trump ee arrimaha Amniga.

Khayre oo abaal marin lagu siiyay dhinaca ka shaqaynta amniga ayaa wuxu booqday aqalka gaashandhigga Maraykanka ee Pentagon.

Meelaha ay sarakiisha Maraykanku tilmaameen in horumar laga gaadhay waxa ka mid ah Kismayo,oo ay sheegeen in 1000 qoys dib u dejin loogu sameeyay.waxayse sheegeen in muqdisho hareereheedu ay yihiin meelo ay hoy ku leyihiin al shabaab oo ay mar kastaba Daraasiin dad ah ku dilaan.askarigii maraykan ahaa ee ugu danbeeyay (Srgent,Alexander Conrad) waxa ku dhintay muqdisho Juun 2018 mar ay ciidanka maraykanku garab siinayeen Xoogaga amniga ee Somalia,

Sarakiisha maraykanka ayaa ku qiyaasay 5000 illaa 7000 oo dagaal yahan inay ka dagaalamayaan muqdisho iyo hareereheeda.waxayna toos u xukumaan 20% wadanka.

DAGAAL DABADII

Waxa is waydiin u bahan in xoogga loo samayn doono Somalia ay noqon karaan,qaar hanan kara ama lagu aamini karo inay wadanka hayaan marka ay ka baxaan ciidamada shisheeye,waxa kaloo u bahan in la hubiyo xaaladda Aadminimo,waxa kaloo xusid u bahan in ay yartahay caawimada maraykanku bixiyo oo ah 60 milion taas oo ka yar intii uu bixin jiray sannadihii hore.

Sarakiisha maraykanku waxay sheegeen xattaa haddiba alshabaab laga guulaysto,inan howshu halkaas ku dhamaan doonin ee ay sii jiri doonaan Aanooyinka iyo Uur kutaallada qabiilku muddo lagu qiyasi karo 100 sano.

Waxa tarjumay

Rashiid Odowaa M.A Diplomacy and International Relation

COMMENTS
LINKS