Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Cidna Uma Maqna, Ceelna Uma Qodna! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cusbitaalka Guud Ee Hargaysa Cidna Uma Maqna, Ceelna Uma Qodna!
April 14, 2019 - Written by Editor:

Muuqaalada Hoose idiinka muuqdaa Waa qaybta gargaarka deg dega ah ee cisbitaalka weyn ee magaalada hargeisa. intiina aragtay dhakhtarka weyni waxa dhinaca cadceed soo baxa ka saaran oo ku dhejisan wasaarada caafimaadka halka dhinaca cadceed dhacana ay wax ka yar 150 talaabo ay ka saaran yihiin xarunta qasriga madaxtooyada ee wadanka looga arrimiyo iyo xarunta labada golle ee baarlmaanka,

Sidoo kale waxaan ka fogayn oo aad ugu dhaw inta badan wasaaradaha Wadanka haday tahay maaliyada,qorshaynta Iyo kuwa la hal maalaba.

qaybtaas sawiradoodu idiin muuqda waxa inta badan la keenaa qof kasta oo u baahan gargaar deg dega ah haba u bataan shilalka kala duwan iyo xanuunadubee waxaana yaala dayac iyo darxumo badan oo keeni kara inay xanuunadu isugu gudbaan waxaan u diyaarsanayn Shaqaale Nadiifiya marka ay Gaadho galabtii ilaa Waagu inta uu ka baryayo wax kasta oo dhiig iyo wasakh ahi waa ay oo layaan oo ma jirto Cid Nadiifinaysaa, waxa la sugayaa inta ay subaxa ka imanayaan shaqaalihii nadaafadu,

sidoo kale waxa iyaguna aad u nadaafad daran Suuliyada ku dhex yaala qaybtan oo aan la Agmari karin.

Waxaana Murugo iyo ciil bulshada ugu filin in siyaasiyiintoodu isku haystaan kursi jacayl oo aan hoosba loo eegayn mushilkadaha rasmiga ah ee jira sida caafimaadka , biyaha , waxbarashada iyo waxyaabaha kale ee nolosha aasaasiga ah u ah.

akhriste hadaba is waydiintu waxay tahay sidee ayay dhibtan looga saari karaa cisbitaalka guud qaybtiisa mihiimka ah ee gargaarka deg dega ah ?  ah oon hore indhayga ugu soo arkay goor aan booqday

Maxaad ka socotaa xaaladu uu ku sugan yahay Cusbitaalka Guud

Waxaa soo if baxday in Dayn Gaadhaysa, $423,000, Dollar lagu leeyahay cusbitaalka Guud Ee maagalada Hargeisa Ee caasimada u Ah Somaliland Daynta Ayaa la Sheegay in lagu soo Gatay Daawooyin iyo koronto

Sidoo kale cusbitaalka waxaa haysata Biyo la ‘Aan iyo Nadaafad xumo Baahsan

Iyada oo arinkaasi jiro Ayaa Hadana Saddexdii bilood ee ugu dambeeyay waxaa ku ummulay cusbitaalka guud ee Hargeysa 1,327 Hooyo, waxaana lagu Qalay ilmaha 254 ka mid ah hooyooyinkaasi.

sida ay xaqiijiyeen Guddida arimaha Bulshada Ee Golaha Guurtida jamhuuriyada Somaliland,

Waxaan Alle u Baryaynaa in cid kasta oo bugta caafimaad sareecana siiyo inteena caafimaad qabtana Alle u siyaadiyo kana yeello kuwii Caafimaadka ku xamdi naqa kana faa,iidaysta.

QALINKII; LIIBAAN H, XASAN

HARGAYSA SOMALILAND.

COMMENTS
LINKS