WAJAALE NEWS

“Hadii Ay Dawladdu Doonto Inay Hanti Gaar ah La Wareegto, Waxay Keenaysaa In Loo Dhaqmo Si kasoo Horjeedda Dastuurka”Guleed Dafac.

HARGAYSA(W,N)-Gudoomiyihii hore ee haayada xuquuqal iinsaanka Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa lafo gur kusameeyay waxa uu dastuurku qabo in xukumadu xoog kula wareegto hanti, dhul, shirkad, dhaqaale iyo wxii lamid ah waxa uu qabo dastuurku sida loola wareegayo iyo dhibaatada ka dhalan karta hadii ay baal marto shariga.

Garyaqaan guleed dafac ayaa qoraal uu arimahaasi ku sharaxayo ku baahiyay barta uu ku leeyahay xidhiidhka bulshada ee facebookga wuxuna udhignaa sidan;

Hanti Gaar Ahaaneed Dawladdu Ma La Wareegi Kartaa?

Hordhac;

Hadii la eego Aragtida Dhaqaale iyo sharci ee shuuciyadda, Dawladdu way la Wareegi kartaa Hanti gaar ahaaneed sababta oo ah Qof gaar uma yeelan karo hanti ee yeelashadu waa wax Wadar loo wadaago. Dawladdii Maxamed Siyaad Barre waxaay bilawgii 1970 qaadatay shuuciyadda. Dabadeed hab fekerkii Nololeed, dhaqaale, bulsho, sharci iyo dawladeed wuxuu u Qaabaysmay mid shuuci ah. Dawladii jirtay oo ku tagri falidda Awooddu dan u ahayd, waxay falsafadii shuuciyadda oo ay Qaloocisay u adeegsatay inay ku boobto hantida, ku ciqaabto kuwa ka soo Horjeeda una adeegsato Awoodaha dawladeed oo dhan si u dan ah inta yar ee awodda ku fadhida.

Dastuurka iyo hantida gaarka loo leeyahay

Dastuurka Somaliland oo garwaaqsan cawaaqib xumada ay  leedahay nidaamkii “lagu soo maamulayay muddo soddon sanadod ah ah (araarta dastuurka),” wuxuu dhigay falsafad ku lid ah tii hore u jirtay. Sida ku qoran dastuurka, aragtida cusub ee lagu saleeyey dastuurku waa:

“b. Shareecada Islaamka.

  1. Go’aan qaadasho ku timaadda talo-wadaag.
  2. Isu-dheellitirrnaanta awoodda dawladnimo oo u qaybsanta; Sharci-dejinta, Fulinta iyo Garsoorka.

x.Baahinta iyo hoos-u-daadejinta maamulka Xukuumadda (Decentralisai/on).

kh.Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed iyo xaq Dhowridda suuqa xorta ah.

d.Qiimo-weynida nolosha qofka oo Ia imanaysa sugidda Xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyadaha qofka.

  1. Nabadgelyo iyo habsami kula dhaqanka dawladaha gobolka iyo adduunweynaha.”

Todobaad rukun ee shacabku u dhigeen in dastuurka lagu saleeyo waxaay si toos ah uga soo horjeedaan nidaamka shuuciyadda oo aan ogolayn adeegsiga diinta, go’aan dadku wadaago (dimoqraadiyad), awoodo kala soocan, hanti gaar ahaneed iyo suuqa xorta ah, iyo xorriyadda shaqsiga ah.

“Damaanad-qaadista lahaanshaha gaar ahaaneed” dastuurku wuxuu ku daray mabaadida aasaasiga ah uu sheegay in Dastuurku ku dhisan yahay. Si uu taas u sii xoojiyo wuxuu ku dDaray xuquuqaha aasaasiga ah ee ay waajibka ku tahay “waaxaha xeer-dejint, fulinta iyo garsoorku [inay] u hogaansamayaan (qodobka 21(1) dastuurka.” Si uu u sii adkeeyo wuxuu dastuurku ku daray xuquuqaha aasaasig ah kuwa ay xitaa mamnuuc tahay in wax laga bedelo, iskadaa in la dhimo e (qodobka 127 Dastuurka). “Dastuurku waa xeerka ugu sareeya dalka, xeer kasta oo aan isaga waafaqsananina waxa uu noqonayaa waxba kama jiraan (qodobka 128 Dastuurka).

Qodobka 31aad ee dastuurka Somaliland ayaa ka hadlayaa lahaanshaha hanti gaar ahaaneed. Eray bixinta qodobku isticmaalay waaa “xorriyadda lahaanshaha hanti gaar ahaaneed.” Wuxuu qodobku ka dhigay hanti yeelasho xorriyad oo macneheedu yahay yeelashadu waxay ku jirtaa kooxaha xuquuqda insaanka ee loo yaqaan kuwa taban (negative rights) oo ah kuwa waajibka dawladda saarani yahay inaanay faro gelin.

Qodobku wuxuu u dhigan yahay sidan:

  1. Qof kastaa waxa uu xaq u Ieeyahay in uu si gaar ah u yeesho hanti, taas oo ay shardi tahay in uu ku helo waddo xalaal ah.
  2. Hantida gaar ahaaneed ee lagu helay si xeerka waafaqsan, lalama wareegi karo dan guud awgeed mooyaane, iyadoo markaana la bixinayo cawil-celin munaasib ah.
  3. Xeer ayaa xadaynaya waxyaabaha geli kara danta guud ee keeni kara la wareegidda hanti gaar-ahaaneed.

Laba shay ayuu dhigay qodobku:

  1. Mabada’ guud ee aasasiga ah ee ah in qofku yeesho hanti (lagu helay sifo xalaal ah dabacan);
  2. Qodobku (si la mid ah qodobo kale) wuxuu dejiyay waxyaalo ka gaar ah (exceptions). Waxyaalaha gaarka ah waxa ka mudan shayga guud. Mase uu daba furin ee qodobku laba shay ayuu ka dhigay:
  3. Sida hanti gaar ah loola wareegayaa waa inay tahay dan guud; waana in qofku helaa cawil celin ku munaasib ah oo macneheedu yahay qofka waa in la siiyo wax u dhigma waxa laga qaaday maadi ahaan iyo lacag ahaanba.
  4. Wuxu waajibiyay in la helo xeer dhigaya waxyaalaha geli kara dan guud.

Qodobka danbe (b) waa ka ugu muhiimsan. Sababta dastuurku u dejiyay xeer ay tahay inuu qeexo oo taxo (list) waxyaabaha geli kara danta guud waa 1. In laga cararo in xukuumaddu aanay dadka ciday doonto ka qaadi karin hantidooda gaarka ah. Mar hadii dastuurku xaq ka dhigay hanti yeelashada, waxa reeban in laga qaadi karo ama la dhimi karo. Bal ka soo qaad hadii dawladu sannifto ruux mucaaarad ah, dabadeed si ay u ciqaabto ay la wareegto hantidiisa “dan guud darteed.” Hanti waa wax kasta oo qof yeelan karo; waxa soo hoos gelaya mobalkaaga, saami shirkadeed, gaadhi, dhul iwm. Si taas looga cararo maxaa horta dan guud loola wareegi karaa iyo hanaankee loo maraya waa in sharci dejiyaa. Tani waxaay ka soo horjeedda nidaamka shuucig ah oo isagu ogol in si sahlan loola wareegi karo waayo hanti gaar ah in la yeelan karo ayaanu qabin. 2. In la ilaaliyo hanti gaar ahaaneed oo mudnaanta ka leh hantida guud (hanti dawladeed) oo aanay dawladdu waxaay doonto u qaadan “dan guud darteed” balse sharcigu taxo waxyaalaha geli kara dan guud. Ka soo qaad hadii dalwaddu saaka go’aan sato inay tidhaahdo saamiyga shirkad X dan guud ayaan ula wareegaynaa!!!

Gebo-gebo

Hadaba, dastuur ahaan dawladdu hanti gaar ah kama qaadi karto cid. Si maaro sharci loogu helo waxyaabaha gaarka ah (exceptions) ee daruuriyadda adag oo aan laga baaqsan karini ay keenayso waa in la helo xeerka dastuurku waajibiyay (Expropriation Act). Xeerku waa inuu taxaa ashyaada geli kara dan guud. Ma mobayl ayay dawladdu qaadi kartaa, gaadhi mise saami shirkadeed? Ashyaada dan guud geli karaa waa inay mark hore xeer ku cad yihiin. Waa in xeerku dhigaa hanaanka loola wareegayo. Waa maxaay sababta bogcad A ay dan guud u noqonaysaa ee ay bugcad B u noqon wayday. Habkee loo marayaa? Qofka hantida lihi hadii uu diidan yahay hanaan uu go’aanka uga rafcaan qaadan karo Maxkamada si loo qiimeeyo waa inuu jiraa.

Bal tusaale ahaan, sidee ayay dawladdu uga qaadaysaa dhul ku yaal banaan fog qof, iyada oo iyadu leh dhul ka wayn oo ka dhow ama ka fog ka ay la wareegayso? Daruuriyadda keentay maxaay tahay? Waase noocee isticmaalada danta guud ee u baahan in lala wareego? Inta la helayo xeerka dastuurku waajibyay hadii ay dawladdu doonto inay hanti gaar ah la wareegto, waxaay keenaysaa in loo dhaqmo si ka soo horjeedda dastuurka oo ku qotonta aragtida shuuciyadda ee mudnaanta aan siin hantida gaar ahaaneed, waxayna khatar gelin doontaa dhamaan hantida dadka shacabka ah.

Maaha oo keliya hantida gaar ahaaneed ee dan guud noqonaysa ta uu dastuurku ka hadlay ee wuxuu sidoo kale ka hadlay hantida guud marka ay noqonayso hanti gaar ahaneed. Sida ku cad qodobka 12 (5), hantida guud waxa si gaar ah loogu wareejin karaa hanaan xeer waafaqsan. Tan lafteeda waa lagu xadgudbaa. Iyada oo aan xeerkaasi jirin ayaa dhul dawladdu leedahay laga iibiyay ama la siiyay dad shacab ah. Waa maxaay sababta aad dhul X u siisay qof? Hanaankee raacday? Muxuu qofkani ku mutaystay oo mid kale ku waayay? Yaa go’aamiyay in hanti guud gaar laga dhigo? Intaba jawaabo looma hayo waayo sharcigii dhigayay ayaa maqan. Iyada oo aan sharcigaasi jirin in hanti guud cid gaar ah la siiyaana waa sharci darro kale.

Ugu danbayntii, waxa muhiim ah inaan laga guurin mabaadida dastuurku dhigayo. Waana in la fahmaa in ujeedada dastuurku tahay inuu tirtiro dhaqmo hore u jiray oo waxyeelo badan lahaa, balse la fahmi karayay falsafadda ay ku dhisnaayeen.

Afeef: marka aan ka hadlayo hanti gaar ahaaneed waxa aan ujeeda shay (thing) sharci si waafaqsan cidi ku yeelatay. Taas waxa markaas ka baxsan ashyaada aan cidi lahayn sida dhul aan dawladdu cid siin. Dhulka waxa leh dawladda, marka laga reebo ka qof gaar u yeeshay sifo sharciga waafqsan. Waafaqsanaanta sharcigana waxa loo eegayaa dabeecadda dhulka waayo dhulka laftiisa ayaa kala duwan oo ay maamulaan xeerar kala duwan sida xeerka dhulka magaaloyinka maamula, beeraha, deegaanka iwm.

Exit mobile version