Muxaadaradii Prof Samatar Iyo Qabiilka Siyaasiga ah (Political Tribe)Qalinkii;Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Muxaadaradii Prof Samatar Iyo Qabiilka Siyaasiga ah (Political Tribe)Qalinkii;Prof Cabdi Cali.
April 15, 2019 - Written by Editor:

Way fiican tahay in si hufan loo naqdiyo fikirka si loo ogaado meelaha quwadda uu ku leeyahay iyo meelaha la saluugi karo. Sida la wada ogyahay anigu fikir baan ka leeyahay qabiilka iyo siyaasadda, kaaso oo aan u bixiyay “Political tribe.” Waan soo dhawaynayaa cidda naqdinaysa fikirkaygaas; naqdinta iyo faalladuna waa in ay xoogga saaraan meelaha uu ku fiican yahay iyo meelaha uu ku liito fikirku, iyadoo aan shakhsiyadda qofka loo gudbayn ama la taabanayn.

Marka hore, sidii caadada u ahayd way qurux badnayd qaabkii uu u soo bandhigay professorku muxaadarada; runtii waxay ahayd cilmi ahaan mid u badan xagga aragtida (more theory); waxase jirta in taas in badan aad looga hadlay; waxan filayaa qabiilka iyo xumaantiisa cid aan ka muxaadarayn majrito; si kastaba ha ahaatee, waxan ka markhaati kacayaa in ay ahayd mid ka duwan kuwii caadiga ahaa ee aynu dhegaysan jirnay, gaar ahaan xagga macluumaadka ay xambaarsanayd iyo fannaanimada u gaarka ah hab gudbineedka macallinka.

Waxaynu u baahanahay runtii ma aha wacdi iyo sifayn ama faahfaahin dhibka qabiilka ee ina haysta, gaar ahaan xagga siyaasada, waxase aynu u baahanahay soo jeedin xal cilmi ah oo goor dhow laga dheegan karo siyaasad iyo xeerar habeeya ama haga nolosheena siyaaasiga ah iyo dawladnimadeena; taasna runtii may ahayn mawduuca uu professorku u banbaxay.

Sida la ogyahay, waxa jirta mawduucaas in aan u baxay hal mar oo aan isku dayay in aan ka soo jeediyo xuluul waaqici ah oo lagu dabbiqi karo nolosheena siyaasiga ah; madhabkan aan anigu gadhwadeenka ka ahay wuxu ka badbaadinayaa fikirka qofka in uu marna qabiilka dhaliilo, marna yidhaa wax inoogu qaybiya; maxaa yeelay biyo-shubka iskuulkani wuxu daaran yahay in aynu ka baxno is duqaynta nolosheena siyaasiga ah ee hoosta qabiilka ka ah, laakiin aynu dusha ka dadayno si aynu isu qaladno ama isu dhacno; waligay ma arag been ka wayn oo raali laga wada yahay!!!

Qalinkii; Prof Cabdi Cali Jaamac; maamul wanaaga iyo ku dhaqanka sharciga.

COMMENTS
LINKS