“kiishka Dhiiga Lagu Shubo Waxa Uu Dhakhtarka Dawladu Siiyaa, 90000 Shsl,Halka Kuwo Private ka Ahi Yihiin Lixdan Kun”Barkhad-Ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“kiishka Dhiiga Lagu Shubo Waxa Uu Dhakhtarka Dawladu Siiyaa, 90000 Shsl,Halka Kuwo Private ka Ahi Yihiin Lixdan Kun”Barkhad-Ladiif.
April 15, 2019 - Written by Editor:

Cisbitaalka Hargeysa Dhamaan Adeegyadiisa Oo Dhan Waa lacag Mararka qaarkood ka qiimo qaalisan kuwo gaarka loo leeyahay, tusaale ahaan kiishka dhiiga lagu shubo waxa uu dhakhtarka dawladu siiyaa 90000 shsl, halka kuwo private ka ahi yihiin lixdan kun, halka scan-ka dhakhtar ka weyn yahay 120 dollar kuwo gaarka loo leeyahay waa 120 dollar, waxa uu kuwo gaarka loo leeyahay dheeryahay kiro lagama qaado , waxa kale oo uu dheer yahay miisaaniyad dawladu ugu tallo gashay kharashaadka cisbitaalka iyo shaqaalaha.

Kuwo gaarka loo leeyahay habeen walba lacag badan oo faa,iido ah ayey la hoydaan.

Hadaba waxaas oo lacag ah halkee la mariyaa ma suuragal ba in deyn lagu yeesho gaadhaysa 423000 dollar ??.

Wasiirkii hore ee xaglo toosiye waxa laga soo xigtay inuu wakhtigii uu joogay bishii faaiiido looga soo xareen jirey dhakhtarka 150,000 dollar bishii.

Dee wax walba yaan dadka lagu dayin, deyn baa lagu leeyahay wax macquul ah maaha waliba laydh iyo dawo kaliya, halkee ayey qabataa lacagta laga qaado dadka, ta qolalka kiradda laga qaado iyo miisaaniyada cisbitaalka loogu tallo gallay.!!!!!???

 

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS