Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Doodii Golaha Wakiilada Iyo Aragtida Xildhibaan Waabeeye? | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Siyaasi Cali Guray Muxuu Ka Yidhi Doodii Golaha Wakiilada Iyo Aragtida Xildhibaan Waabeeye?
April 16, 2019 - Written by Editor:
Warning: Trying to access array offset on value of type null in /customers/c/e/3/wajaalenews.net/httpd.www/wp-content/plugins/really-simple-facebook-twitter-share-buttons/really-simple-facebook-twitter-share-buttons.php on line 318

“Soo Jeedintaydu Waxay Ka Jawaabaysaa Doodii Xildhibaan Waabeeye Oo Dhinaca Sharciyadda Aan Garwaaqsaday”Cali Guray

DOODDII XILDHIBAAN WAABEEYE

Xalay waxan daawaday doodii xildhibaanada wakiilada ee xeerka Golayaasha Degaanka gaar ahaan heeraynta degmooyinka iyo tirooyinka xubnaha. Xildhibaan Waabeeye dhinca sharciyadda ayuu aad uga dooday sua’aalo aan cid ka jawaabtay jirinna wuu keenay.

Waa runtii Hargeysa inta aanay yeelan “Xeerka Caasimadda” sharci ahaan waxay la mid tahay degmooyinkii 60kii jiray ee laga dhigay gobolada in kastoo hadana ay ahayd Xaruntii Maamulka ee Maxmiyadda. Ma hubo tirooyinka xubnaha inay isku mid ahaayeen iyo in kale. Waxan la qabaa guddida golaha in tirada xubnaha degmooyinka dib loogu noqdo waayo farobadnidoodu waxtar may noqon ee waxyeelo ayay noqotay. Waxa ka fiicnayd ee Gudoomiyayaasha Degmada (Mayor-rada) iyo Ku-xigeekana toos loo doorto xubnaha kalena tiradoodana la wada yareeyo oo laba heer oo keliya laga dhigo. Heerka koobaad degmooyinkii jiray (A&B) 15 xubnood ah iyo degmooyinka (C) oo 7ba xubnood ah. Tani khilaafka arintan ee golahana way soo ururin kartaa waana lagu meelgaadhi karaa inta diraasad rasmi ah iyo heerayn leh shuruudo (criterial) la samaynayo oo lagu qiimayn karo degmooyinka la samaynayo. Hadii lagu heshiiyo in Hargeysa iyo Burco 15 xubnood laga dhigo inta kale ( A iyo ? na 11 lafteeduna ma xuma.

Soo jeedintaydu waxay ka jawaabaysaa doodii Xildhibaan Waabeeye oo dhinaca sharciyadda aan garwaaqsaday. Waa run ma wada sinna degmooyinkii lixdankii ee lixda ahaa iyo sub disrtics-koodii lixda ahaa:

Zayla

Gebilay

Odwayne

Sheekh

Buhodle

Badhan

Taasoo jirta hadana lama qiimaynin waxay kula heer noqonayaan. Hargeysa waa la ogyahay in aanay la sinmi karin degmooyinka kale laakiin ilaa iyo hadda nasiib darro ma jiro Xeerka Caasimaddu markaa wax sharci ah oo gaar yeelayaa ma jiro. Sida ay hadda xaaladdu tahayna waxba ku waayimayso hadii tirada xubnaha la yareeyo.

Qodobada kale ee laga dooday waxa ka mid ahaa xasaanadda taasoo xililka doorashada ku yimaadaa ay tahay inay yeeshaan. Xildhibaan (MB) waxa la odhan karaa xubnaha baarlamanka ee ku yimaadda doorashada ku golayaasha degaanku waa gudoomiye/ Ku-Xigeen iyo xubno gole degaan hadii lagu heshiiyo. Waxan filayaa in Xildhibaan Waabeeyo doodiisii ay jawaab u noqon karto inta aan soo sheegay dhinaca sharciyadda oo keliya marka laga eego

SIYAASI CALI MAXAMED YUUSUF (CALI GURAY)

 

COMMENTS
LINKS