Halkee Ayuu Ku Dambeeyey Shirweynihii Labaad Ee Xisbiga WADDANI Oo U Muddaysanaa 8 April 2019?W/Q;Maxamed Cirro. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Halkee Ayuu Ku Dambeeyey Shirweynihii Labaad Ee Xisbiga WADDANI Oo U Muddaysanaa 8 April 2019?W/Q;Maxamed Cirro.
April 16, 2019 - Written by Editor:

Shirweynihii labaad ee Xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, ayaa mar kale dib uga dhacay xilligii loo muddeeyey oo ku beegnayd 8 April 2019. Shirweynihii koowaad ee xisbiga WADDANI waxa uu qabsoomay 8 ilaa 9 April 2012-kii, waxayna shantii sanno ugu buuxday 9 April 2018.

Hasayeeshee, shir ay yeesheen Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI taariikhdu markii ay ahayd 8 April 2018, ayaa lagu go’aamiyey in muddo sannad ah dib loo dhigo shirweynaha labaad ee WADDANI, iyadoo ay muddadaas sannadka ahna ku buuxday 9 April 2019, balse ma cadda sababta keentay in haddana mar kale dib-u-dhac ku yimaad shirweynihiisa.

Go’aankii ka soo baxay shirkii Guddida Fulinta Xisbiga WADDANI ee qabsoomay April 2018, waxa uu u dhignaa sidan; “Guddida Fulinta ee xisbiga WADDANI oo shir yeeshay maanta (shalay), waxayna ka doodayeen oo ajandaha ay isugu yimaadeen uu ahaa qabashada shirweynihii xisbiga WADDANI, markaa dood dheer kadib, waxa ay Guddida Fulintu si wadajir ah isugu raaceen in shirweynaha xisbiga dib loo dhigo muddo sannad ah, taasoo ka bilaabmaysa 9 April 2018, waayo shirweynihii hore waxa uu qabsoomay 8 ilaa 9 April 2012, waxayna ahayd in hadda la qabto 9 April 2018, balse dib ayaa loo dhigay muddo sannad ah.

Guddida Fulintu waxa ay tix-geliyeen;

  1. Qodobka 16-aad ee xeerka xisbiga WADDANI oo lagu sameeyey kaabis iyo wax-ka-beddel.
  2. In dalka Somaliland ay dhawaan ka qabsoontay doorashadii Madaxtooyada ee la qabtay 13 November 2017, taas oo culays badan kaga tagtay dalka iyo dadkaba.
  3. In taageerayaasha qurbo-joogga ah oo si weyn uga soo qaybgalay doorashadii Madaxtooyada ee dalka ka dhacday oo ay ku adagtahay inay si dhakhso ah ugu soo noqdaan dalka mar kale, maadaama ay qayb muhiim ah ka yihiin shirweynaha xisbiga.
  4. Iyadoo ay innagu soo fool leeyihiin qabashada doorashada Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Degaanka Somaliland oo ah laba doorasho oo isa saaraan, culays badana leh, una baahan diyaargaraw aad u u badan, iyadoo uu shirweynuhu u baahan yahay waqti iyo diyaargaraw ballaadhan.”

 

QALINKII; MAXAMED CUMAR CABDI(CIRO)

COMMENTS
LINKS