Aragtidayda Iyo Doodda Taagan Ee Xeerka Maamulada Degmooyinka Iyo Qiimayntoodda!W/Q;Barkhad-ladiif. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Aragtidayda Iyo Doodda Taagan Ee Xeerka Maamulada Degmooyinka Iyo Qiimayntoodda!W/Q;Barkhad-ladiif.
April 16, 2019 - Written by Editor:

Degmooyinka Marka la qiimaynayo waxa laga eegaa wax soo saarkeeda, dakhligeeda iyo dadka ku nool.

Gabikey sadex il dhaqaale oo gobolada waaweyn lahayn bay leedahay., degmadii dhaqaalahaasi oo kale haysata waa inay isku xaquuq noqdaan.

1; Gabiley waxay leedahay kastanka labaad ee dalka waxa ka weyn uun ka dekadda berbera.

2; Waxay leedahay dekadda qalaalan ee Wajaale oo soomaalida kililka iyo oromadaba suuq u ah.

Baabuurka Wajaale waxa lagu raaca 5 dollar, halka Burco oo 360km u jirta Hargeysa lagu raaco 5 dollar, taasina waxay Tilmaamaysaa in Burcon iyo Wajaale isku qiimo lagu tago, waxay noqotay Wajaalena meesha ugu badan ee xaga isku socodka dadweyna kaalinta kowaad ku jirto somaliland.

  1. Waa degmo wax soo saar haday khudaar tahay iyo hadii ay hadhuudh tahay, taas oo aanay magaalooyinka kale kaga badinayso.

Marka.way awooddaa inay is bixiso oo ay la tartanto magaalooyinka A-da ah. Illaa wakhtigii siyaad bare waxa la odhan jirey 18 gobol iyo Gabiley.

Imikana lixda gobol iyo Gabiley, waxaana gaar loogu tilmaamaa waa dhaqaalaha dalka ka soo galiya.

QALINKII; BARKHAD-LADIIF MAXAMED CUMAR.

COMMENTS
LINKS