Qabyada Garsoorka Ee Qalooca Ku Waynaatay..Toosinteedii Waa Tan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qabyada Garsoorka Ee Qalooca Ku Waynaatay..Toosinteedii Waa Tan!
April 16, 2019 - Written by Editor:

1-Maxaa Wali Inoo Dhigay Xeerarka duuga ah ee aynu ka dhaxalnay somaliya sida;-

*Xeerka Ciqaabta, 16- December-1962, ayuu ku dhaqan galay Decreeto uu saaray Madaxwayne Adan Cabdule Cisman.

*Xeerka Habka Ciqaabta, 1-June- 1963, ayuu ku dhaqan galay Decreeto uu soo saaray Madaxwayne Adan Cabdule Cisman.

*Xeerka Madaniga, 1- June- 1973, ayuu ku dhaqan galay Decreeto uu soo saaray Madaxwayne Maxamed Siyad Bare.

* Xeerka Habka Madaniga, 27- July 1974, ayuu ku dhaqan galay Decreeto uu soo saaray Madaxwayne Maxamed Siyad Bare.

Kuwaas oo aan la jaan-qaadayn hanaanka cadaaladeed ee aynu maanta u baahanahay iyo Distoorka Somaliland ?

2-Maxaa wali ka dhigay habka lagu noqonaayo Garsoore, Xeer ilaaliye, Kaaliye iyo Gaadhsiiyo, mid aan ku fadhiyin yeelashada aqoonta sharciga, isla markaana wali u yihiin Garsoorayaasha iyo Xeer ilaaliyayaashu bilaa xuquuq, isla markaana wali u maqan yihiin Xeer hoosaadyada ay u baahan yihiin waaxaha kala duwan ee u taagan hawsha garsoor ?

3- Maxaa wali ka dhigay badi xafiisyada garsoorka, goobaha ugu liita dhamaan xafiisyada qarankeena oo dhan, isla markaana uga qatan yihiin adeegsiga agabka hawshaasi u baahan tahay, si hawsha garsoor u noqoto mid ku fadhida aqoon iyo xirfad sare ?

4-Maxaa wali ka dhigay kuwo ay dhan kasta u dhex qaadeen, NGO. taas oo ka dhigtay kuwo u nugul fara-galintaas qaawan ee ay ku hayaan, una rogtay kuwo ku mamay malafsiga dhaameelka NGO ?

Fiiro Gaara:-

1-Garsoorkani waa mid u gaara Bulshada Rayidka “Civil Courts” waxana xaaraan ka ah in haba yaraatee Ciidan soo galaan, dhankay doontaba ha noqotee, se wali tan muu garan Xafiiska Xeer-ileentu, waxana iska noqotay mid ay iska haystaan baadhayaal Ciidanka booliska hore u ahaa.

2-Hawsha ka dhex socota dhamaan waax-yaha uu ka kooban yahay oo aan lahay Xeer hoosadyadii hawsha fudaydin lahaa, taas oo keentay in ay noqdaan tusbax isku dhex daatay iyo in qarda-jeexa iyo xidhiidhka gaar ka ahi ka yahay dhanqanka shaqada.

3-Beentan aad dhamaanayn ee aad bulshada hadh iyo habeen ku miisaysaan, Isla markaana qaranka lu burburinaysaan, miyaydaan kala waynaanayn.

QALINKII; Garyaqaan Cabdale Dahir Adan.

 

COMMENTS
LINKS