Qaraxii Labaad Oo Goor dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo wararka laga helayo! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Qaraxii Labaad Oo Goor dhawayd ka Dhacay Magaalada Muqdisho Iyo wararka laga helayo!
April 17, 2019 - Written by Editor:

MUQDISHO (W,N)– Qarax ayaa goor dhaw ka dhacay goob maxaaqi ah oo laga cuteeyo degmada Waabari ee gobolka Banaadir gaar ahaan agagaarka saldhiga degmada magaalada muqdisho , waxaana uu qaraxani noqonayaa kii labaad oo isla maanta ka dhaca magaalada Muqdisho.

Waxaa la maqlayaa dhawaqa gaadiidka gurmadka deg deg ah oo goobta ka qaadaya dadka ay walxaha qaraxa ka soo gaartay.

Barqo-nimadii saaka  ayeey aheyd markii qarax uu ka dhacay ilinka hore ee hotelka Mubaarak ee Waddada Maka Al-Mukarma, kaddib markii uu qarxay gaari goobta yaalay.

Wararka danbe kala soco wixii faah faahin ah ee kasoo kordha qaraxan iyo khasaaraha uu sobobay.

COMMENTS
LINKS