DAAWO;-Xisbiyada Qaranka Jsl,Madax Dhaqameed Iyo Xildhibaano Si Adag Uga Hadlay Dhibaatada Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku Hayso Qoyska Maxamed Xasan Dalab! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO;-Xisbiyada Qaranka Jsl,Madax Dhaqameed Iyo Xildhibaano Si Adag Uga Hadlay Dhibaatada Xukuumada Madaxwayne Biixi Ku Hayso Qoyska Maxamed Xasan Dalab!
April 17, 2019 - Written by Editor:

HARGAYSA(W,N) Waxaa Mudooyinkii Ugu Danbeeyay Warbaahinta somaliland Ka baxayay Cabashada Qoyska Maxamed Xasan Dalab Kuwaasi oo ay ka hadlayeen Tacadiga iyo dhibta lagu hayo madax-dhaqameedka, waxgaradka iyo siyaasiyinta beesha uu kasoo jeedo,

Taasi oo salka ku haysa  dhul ay leeyihiin qoyskani oo xukuumada Madaxwayne Muuse biixi xoog ku dhisanayso kuwaasi oo bulshada usoo bandhigay sharciyada ay dhul ku leeyihiin iyo sida madaxwaynaha somaliland u baalmaray

Cabashada Qoyskan Maxamed xasan dalab ayaa waxaa cod dheer kaga hadlay Asxaabta qaranka somaliland ee Ucid Iyo Wadani iyo sidoo kale madax dhaqameed iyo xildhibaano katirsan golaha wakiilada somaliland kuwaasi oo madaxwayne muuse biixi ugu baaqay in uu faraha ka qaado dhulka qoyska Maxamed xasan dalab ,sharciga dalkana aanu ku tumanin.

DAAWO MUUQAALKA; Mawqifka Xisbiyada Somaliland,Madaxda Dhaqanka Iyo Shacab kale + fariinta ay Udireen Madaxwayne Muuse Biixi;

https://youtu.be/w0KsDlZXv_A

COMMENTS
LINKS