Cabashada Shaqaaalaha Caafimaadka Gobolka Togdheer oo Cod Dheer Ku Sheegay Musuqmaasuq uu Kula Kacay Isuduwaha Wasaarada u Qaabilsan Gobolku. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Cabashada Shaqaaalaha Caafimaadka Gobolka Togdheer oo Cod Dheer Ku Sheegay Musuqmaasuq uu Kula Kacay Isuduwaha Wasaarada u Qaabilsan Gobolku.
April 18, 2019 - Written by Editor:

Hargeisa(W.N):-Ilo Xog-ogaala ah Ayaa Xaqiijiyey In arrimo musuqmaasuq oo aad u fool xuni ka dhaceen xarunta  gobolka togdheer gaar ahaan wasaarada caafimaadka iyo mashruucii cusbaa ee uu dhawaan daahfuray badhasaabka gobolka togdheer Xamse Maxamed Cabdi ee Lagu magacaabayey “Shine Hpa”

Waxaana Wararku intaa Ku dareen in Isuduwaha Wasaarada Horumarinta caafimaadka ee Xarunta gobolka Togdheer Masuulkan oo lagu magacaabo  Adan cilmi diiriya ‘Aadan malay’ uu ku talaabsaday ficilo la xidhiidha arrimo musuqmaasuq iyo lunsiga xuquuqdii ay lahaayeen shaqaale muddo ku dhow labataneeyo sano kasoo shaqeynayey Goobaha caafimaad ee gobolka togdheer.

Tirakoob la sameeyey tirada dadka shaqaalaha ah ee la musuqmaasuqay Mushaharaadkoodii ayaa kor u dhaafaya ilaa 70 qof, sida ku cad jaantuska hoose.

Xanaano kasta waxaa mushahar aan ka qaadan ugu yaraan 2shaqaale ah ama wax ka badan, halka ay shaqaalihii hore bilaa lacag yihin.
Iyadoo xanaano kasta shaqaale cusub loo qatey oo gadhaya ugu yaraan 5 qof tusale ahaan shaqalaha cusub oo wax ka yar bil shaqeynayey waxa la siyey 2bilood mushaharkood halka qaar lacag toodii laga goostey. MCHyo baden waxaa loo direy lacagtoodi ay xaqa u la hayeen balse waxa lagaadhsiiyay wax ka yar musharkoodii iyadoo lagu yidhi is ku qeybsada intaas ayaa la idin so heley.
Shaqalahan Caafimadku waxey shaqaale ahaayeen muddo kala duwan (1 year ila 20 year) shaqaalihii hore mudada ka shaqeynayey mudo badan payrol (mushaharka dawlada qaata)/ iyo qaarkale oo aan qaadan guno dowladeed iyo mid haayadeed toona lkn naawilayay in ay mashruucaa wax ka helaan oo volentiar ku shaqaysay, baa waxa dusha uu isuduhu kaga keenay shaqaale cusub oo hab reernimo ku yimi

 

(waxa kaaf iyo kaladheeri noqotay dhacdo ugub ku ah gayiga dhacdadaasi waxay ahayd;inay dhacday qof sanad ku joogay bilaa lacag oo u adeegayay xananoyinka in uu lacag wayay iyadoo qof 5 casho shaqayanayayna lacag la siiyay)

Shaqaalaha cusub ee sanad kan la qaatey ee ay hayada HPA gunada siiney saa waa ilaa 200 q0f rag iyo dumar iskugu jira hal qof imtixaan loo ma galin, isuduwaha ayaa jeeb kiisa kala so baxey, Mana aheyn shaqo ay usimanyihiin umadda kunool gobolka togdheer iyo kuwa kale ee reer somalilanba
Tusaal ahaan qaabka lagu qoray daadkaasi ayaa ah qaab noociisu yahay [mid suldan wadey ama caaqil wadey ama mida masuul dawladeed u keney iyo dad dano gaar ahi ka dhaxeeyaan isuduwaha iyo dad ay isku qaraabo yihiin]

Waxana xusitaan mudan qofka aanu wadin qof magac iyo maamuslehi inanay cidina ahmiyad gaara siin , iyadoo kuwii hore uga mid ka ahaa shaqaalaha caafimadka mushaharkodii laga leexsadey oo dad Cusub lagu dul shaqaaleysiyey musharakoodina jeebabka laguguraty,
Hayada HPA ayaa la odhan karaa way fududaysay arrintani ka dib markii lacag shaqaalaha mudada dheer soo shaqaynayay ay lacagtoodii jeebka ugu ridey isuduwaha caafimaadka Gobalka togdheer oo cidna uga sareyn cidna uga hoseyn maamulidda hawshaasi

maamulka iyo masuuliyada wasaarada caafimaadka gobolkuna waa midd u afduuban isuduwaha gobolka , iyadoo HPA wax walba isaga ay faraha ka galiso
guud ahaan hay’adanina maaha haayad ay kamuuqato dabagalka iyo hubinta halka ay kudanbeeyaan musharadka lasiiyo shaqalaha iyo habsami u socodka shaqadaba.

Bulshada kala duwan ee ka shaqeeya xarumaha caafimaad ee gobolka togdheer ayaa farta ku fiiqay sida uu isuduwaha wasaarada u qaabilsan gobolku u hagardaamiyey hawlihii caafimaad ee gobolka.

“isuduwaha Wasarad caafimaadka Gobalka Togdheer Wuxuu Fadhiisyay waaxdii maamulka iyo lacagta, waayo meel ay lacag ku bixinayaan ma jirto iyadoo dhamaan waaxyhii kale ee wasarada caafimadka gobalku noqdeen kuwo fadhiida oo aan shaqayn

tusaale ahaan isuduwadaha caafimaad ku lacagta shaqalaha ama mushaharkoda waxa uu ku sitaa ZAAD Mobile kisa ama ama Zaadka ka ku xigeenkisa iyadoo lacagtaas cadad keedu noqonayo boqolalal ka kun ka u sareya wasarada ilaa ka u hoseeya isaga ayaa u  diraya.”… Waxaa sidaas yidhi hawlwadeen caafimaad oo ka shaqeeya gobolka oo aanu arrimo la xidhidha xogtan u qarinay magaciisa.

markaa is weydiintu waxey tahey isuduwaha caafimadka iyo ku xigeen kisu ma khasnajibaa ama ma CASHEIR baa.
Iskusoo wada Xooriyo isuduwaha caafimaadka waxaad modaa in uu ka faaideysanayo xiliga kala wareega ah ee wasarada caafimad kujirto madama wasiir cusub iyo w/kuxigen loo magacabey waqtigani iyadoo ay wali ku cusub yihiin shaqada oo aney la qabsan habka mashariicda cafimad ku socdaan.

Intii hore waxa aad modeysay in uu isiuduwuhu aad uga faaideysanayey wasirkii hore oo ay aad iskugu dhawaayeen saaxibo dhawna ahaayeen.
Wasarada caafimdka Gobalka Togdher waxa ka muqda dulmi, waayo dadka aan hadli karin shaqo lama qoro mushaarkooduna madmadaw kama baxo.

Shacabka Gobolka togdheer iyo Shaqaalaha Caafimaad ee Gobolka ayaa ka dhurgsugaya Talaabada ay ka qaado Wasaarada Caafimaadku masuuliyiintan ku Takrifalay Shaqaalihii Masaakiinta ahaa iyo dhawaan uun uu madaxweynuhu u magacaabay Wasaarada Masuul da’yar oo aqoon fiican u leh hawlaha caafimaadka iyo Caqabada  horyaala.

 

 

COMMENTS
LINKS