Sharcigu Waa In Uu Dadka Ilaaliyaa!Q/W;Dhimbiil. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sharcigu Waa In Uu Dadka Ilaaliyaa!Q/W;Dhimbiil.
April 18, 2019 - Written by Editor:

Dawladnimadu dadka ayey u dhisan tahay inta madaxda ah ee kuraasida ku fadhidaa dadka ayaa geystay , cida la raaligalinayaa oo danahooga laga shaqeynayaa waa dadka , ha yeeshee in badan baa u fahansan in maalinba afarta kuraasta fadhida loo shaqeynayo.

Xukuumadihii somaliland u kala dambeeyay dadka madaxda ka noqdaa 90% waa dad ku garaadaystay ama la soo shaqeeyay dawladii macangag Maxamed Siyaad Barre oo ma fahmi karaan hanaanka dimuqaradiyada iyo xoriyatul qawlka .

Wax kasta oo dhaca Waxa ay u yaqaanaan amaba ka dhigaan dambi , Waxa aanad moodaa in aanay dastuurka iyo shuruucda dalka waxba ka aqoon ama aanay tixgalin siininba xoriyaatka iyo xuquuqaha uu muwaadiniinta siiyey.

Waana sababta madaxwayne kasta oo yimaada loogu xidh-xidho dadka iyada oo la leeyahay tusaale ahaan madaxweynaha ayey isku magac noqdeen , madaxweynaha ayuu dhaliilay iyo waxyaabo noocaa u badan oo marka la naax-naaxinayo ee dambiyo waweyn laga dhigayo loogu yeedho qaran-dumis , nabadgalyada ayuu khatar ku yahay iwm.

Waa ayaan daro in loo fahmo in madaxweynaha yimaada marba jacaylkiisa iyo rabitaankiisa iyo raaligalintiisa lagu shaqeeyo iyada oo ay qabyo qaran buuxdo oo waxyaabo u baahan in wax laga qabto iyo baahiyo ay dadku qabaan oo ah halka ay muhiimada dawladnimadu taalo ay badan yihiin.

Sababta oo ah cida la ilaalinayo ee dawlada loo sameeyay ee loo shaqeynayaa waa dadka iyaga ayaana mudan in la raaligaliyo oo waxa ay rabaan iyo baahiyahooga la daryeelo oo loo dedaalo oo la iska dhiso.

Umaddu uma baahna indha-sarcaad been iyo propaganda lala wareego ee waxa quluubtooda lagu hanan karaa waxkasta oo waxtar ah oo noloshooda wax ka badelaya oo uu qofkasta oo muwaadin ahi dareemi karo in wax u soo kordheen .

Dadku hadaanay xisaabtamin oo aanay caadifada iyo qof jacaylka iyo qiirada iska dayn sidan ayuun bay ahaanaysaa oo marba kooxda aynu keeno ayuun baynu ka caban doonaa.

QALINKII; Muhamed Dhimbiil.

 

COMMENTS
LINKS