“Anigu filimaayo In Madaxwayne Muuse Sidii Siilaanyo & Daahir Rayaale In Uu Aqal Qasri ah Kasii Dhisan Doono Mudada Xilka Uu Hayo”Saleebaan Xuquuq. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
“Anigu filimaayo In Madaxwayne Muuse Sidii Siilaanyo & Daahir Rayaale In Uu Aqal Qasri ah Kasii Dhisan Doono Mudada Xilka Uu Hayo”Saleebaan Xuquuq.
April 20, 2019 - Written by Editor:

Markaan si Taxadar leh ugu dhabogalay mudadaa uu xilka hayay Madaxwayne Muse Biixi waxa uu iigu muuqday Adoon Ilaahay Somaliland u soo diray, waa kuwaa dhalinyaradii ka raystay koofiyad bacle na shaqo gee ay yidhaahdaan.

Ilihii dhaqaalaha waa tii Wadaada Ictisaam la wareegeen xukuumadii Siilaanyo, Wadaada waxa barigaa farobaas Ku Hayeen In ay gacanta Ku dhigaan Hogaanka Ciidamada dalka, Nasiibwanaag waa tii ILAAHAY inaga caymiyay Muse Biixi oo ka sifeeyay ilihii dhaqaale Ictisaam oo ah ururka Akhwaanul musliimnta Soomaaliya oo Muqdisho looga Taliyo Turkiga iyo Qatar taageeraan. Hadeer midhmidh wariye sheegta ayaa hawlgalkii Ictisaam ee Somaliland ka hadhay oo uu kamid yahay Coldoon ka la yidhaa.

SIYAASADA malaha wax ka garanmaysaane intaa Muse Joogay SIYAASADA Somaliland ee Dabadu waxay gaadhay meel aanay ilaa 1991 kii gaadhin.

Aakhirona meel la tago lehe Sirtii Dawlada ee suuqa yaacaysay iyo madaxdii iska garab hadli jirtay goormaa kuugu Danbaysay.

Malaga raystay Marwadii koowaad ayaa halkaa Martay Ama waxaa magacawday.

Dhaliiila oo wuxuu ka gaabiyay Muse Biixi yaan loo qarin, laakiin waxqabadkiisu meelo fog fog oo aan la malaysan Karin ayuu gaadhay. Qaladaad Wuu yeelan karaa oo waa aadami tusaale Wasiirkii hore Warfaafinta Guri barwaaqo Ceeb lugale ayuu dalka iyo Dawladaba Ku ahaa hadana Muse Biixi 2 sanadood oo dhawdhaw ayuu Ku hayay xilka.

QALINKII; SALEEBAAN BULAALE(SALEEBAN XUQUUQ)

COMMENTS
LINKS