Sidee Buu Hoos U Dhaca Dollarku U Keenayaa Busaarad?Prof Cabdi Cali. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Sidee Buu Hoos U Dhaca Dollarku U Keenayaa Busaarad?Prof Cabdi Cali.
April 21, 2019 - Written by Editor:

Waa Maxay Busaaradi?; haddii aynu af-suuqdi ku sheegno Busaarad waa iyadoo la kala xiiran waayo. Marka dollarku hoos u dhaco waxa istaagayaa dhismaha, maxaa yeelay qofka wax dhisaya wuxu sarrifayaa lacag adag, maadaama gacanta lagu bixiyo kaash Somaliland ah; dhismuhu waa shaqada ay ka shaqeeyaan dadka ugu badan Somaliland!!!

Dhinaca kale, maadaama dadka wax ka iibsada suuqa ee awoodda gadashada lihi ay yihiin kuwo sarrifa dollar marka ay wax iibsanayaan, waxay bilaabayaan in ay tarisaan oo ay dib u dhigaan wax kasta oo ay iibsan lahaayeen; waxa kaliya ee immka ay iibsanayaan wixii aanay dib u dhigi karin ee khasabka ku ah; tani waxay keenaysaa in tirada transactionska macnaha lihi ay meesha ka baxaan; tana waxay keenaysaa busaarad baahsan.

Ugu danbayntii, dadka ku doodaya hoos u dhaca dollarku wuxu dan u yahay danyarta waxay hilmaansan yihiin in danyartu cidda ay ka shaqaystaan ee wax ka iibsata ama shaqada siisaa ay yihiin dadka aynu kor ku soo sheegnay ee awoodda dhaqaale leh; muddada gaaban marka la isla dhaafo waxa ku habsan doonta danyarta aad sheegaysaan busaarad ballaadhan!!!

QALINKII; Prof Cabdi Cali ; Ku Dhaqanka Sharciga iyo Fiqiga Dhaqaalaha Somaliland

COMMENTS
LINKS