Dad loo xidhxidhay Faras awgii | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Dad loo xidhxidhay Faras awgii
April 22, 2019 - Written by Reporter:

Laba qof ayaa loo xidhay kaddib marki uu Faras ku dhacay waddada halboowlaha u ah suuqa weyn ee magaalada Cardiff ee dalka Ingiriiska.

Labada qof ee la xidhay oo 21 iyo 25 jirra ah waxaa looga shakiyey iney waxyeello u geysteen xayawaanka daryeelka u baahnaa ee dhacay.

Booliska South Wales iyo ururka ugu weyn daryeelka xayawaanaadka ee Ingiriiska ee RSPCA ayaa sabtidii laga soo wacay waddada Westgate saacaddu markay ahayd 19:00 xilliga UK.

Faraska wuxuu ugu dambeyn uu ku dhacay waddada Westgate

Xaruunta lagu daryeelo xayawaanaadka ee Whispering Willows, oo faraska marki ugu horreysay la soo gaadhsiiyey waxay sheegtay inuu Faraska xaaladdiisu xasilneyd isla-markaana uu biyaha si wanaagsan u cabbayey.

Sandra Stolp, oo xaruunta ka socota ayaa sheegtay inuu Faraska la ildarnaa tabar darro iyo kuleyl saa’id ah xilliga xaruunta la keenayey ayna daweeyeen.

“Saaka waa uu fiicnaa oo biya ayuu cabay” ayey sii raacisay Ms Stolp.

Haweeney hore u soo ahayd kalkaaliye caafimaadka xoolaha Jeanette Cook, waxay sheegtay iney aragtay faras sii aad u xun ugu dhacaya waddada dhinaceeda xilli ay gaadhi ku mareysay waddadaasi.

Radyr oo 38 jir ahna wuxuu sheegay inuu la kulmay Faraska oo neefta ay ka gurmeyso ayna ku uruursanaayeen dad ka badan 50 qof.

Afhayeenka u hadlay ururka ugu weyn daryeelka xayawaanka ee UK Cymru wuxuu sheegay: “iney xalay heleen warbixinta ku saabsan Faraskan ku dhibban Cardiff ee daryeelka u baahan”.

COMMENTS
LINKS