Daraasad Lagu Muujiyey Dadka Xogtooda La Xadi Karo Iyo Lambarrada Ay Adeegsadaan! | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Daraasad Lagu Muujiyey Dadka Xogtooda La Xadi Karo Iyo Lambarrada Ay Adeegsadaan!
April 22, 2019 - Written by Editor:

Sida lagu ogaaday baadhitaan, dad gaadhaya Malaayiin ayaa u isticmaala tiro fudud oo ah xog ilaaliye (password)koontooyinka ay ku leeyihiin barta Internetka.

Daraasad ay sameysay xarruunta badbaadada caalamiga ah ee UK (NCSC) ayaa lagu ogaaday in furaha xog xejiyaha tirada fudud ee 123456 ay yihiin koontooyinka ugu badan ee la jabsaday sababta oo ah helista nambarada sirta ah oo aad u fudud.

Daraasaadkii ugu horeeyey ee ay sameyso NCSC oo laga sameeyay dadwaynaha si loo ogaado erayada iyo xariijimaha sirta ah ee dadku ay isticmaalaan ayaa waxaa soo baxay in dadka ugu badan ay isticmaalaan xog illaaliyaha 123456 tirada isticmaasha ayaa kor u dhaaftay 23 milyan oo qof, waxaa ku xigay dadka isticmaala 123456789 koontooyinka ayaa ka amaansan kuwa hore,halka ay kaalinta shanaad soo galeen dadka u isticmaala “qwerty”, “password” and 1111111.

Dadka isticmaala erayada sirta ah ama magacyada password-ka, waxey wajahaan halis ay kala kulmaan koontooyinkooda sida uu sheegay Dr Levy oo ah agaasimaha waaxda NCSC.

”Qofna xogtiisa kuma badbaadin karo isticmaalka password-ka magaciisa hore,magaca koox ciyaareed ama naadi aad taageerto” sidaas waxaa sheegay Dr Levy

Macadkan ayaa sidoo kale su’aalo la xariira Cabsida dadku ka qabaan amaanka koontooyinka waydiiyay,waxaa soo baxday in ogyihiin in ay ku filan yihiin xogoha internetka ay ku xirtaan

Dadku in ay ogaadaan xogaha la xariira isticmaalka passward-ka loo badan yahay,kaas oo sahli kara in la jabsado koontooyin badan,waxa laga baran karaa in laga taxadaro qof walba sidii uu u xoojin lahaa xarfaha sirta ah ee uu u isticmaalayo koontadiisa

 

COMMENTS
LINKS